Sagaal Weji U Kala Hadalka Xukuumadda Somaliland Ee Suuqa Waaheen

0
Tuesday May 03, 2022 - 10:21:24 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 896
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sagaal Weji U Kala Hadalka Xukuumadda Somaliland Ee Suuqa Waaheen

    W/Q: Cabdi Muhumed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cabdi Muhumed

Tan iyo intii uu gubtay suuqii Waaheen ee Hargaysa badhtamaheeddu waxaa soo baxay warar is dhex yaac ah oo aan midna mid la haysan kana soo baxaya xukuumadda dhexe ee Somaliland, oo aad moodo min madaxwayne ilaa wasiiro inaanay isla haysan midna midka kale maqalayn, taasi oo aan horeba ugu aqaanay oo ay u baahnayd cid ku tidhaahdda "istawu" haddana waa tii oo (lax qalatay) waaba tii oo masiibadda waaheen ku dhacday Allow na astur bal aan soo qaato inta hadal ee kala kaanka ah ee ay tidhi xukuumadda isdhex yaac ee Muuse Biixi Cabdi oo aan qudhiisa siiyay naanays cusub oo ah (kalakaan,) iyadoo aan hore ugu wan qalay "wax ma yaqaan" oo aan uga soo dheegay heestii (Wax Ma Yaqaan) ee uu alifay Alle ha u naxariisto’e abwaan Yuusuf Aadan Xuseen Yuusuf (Allaale), kaasi oo ka tirsanaa hobaladdii Waaberi ee inagu jalbeebin jiray murti dhumuc leh.

 

Haddana waxa aynu ku baraarugnay Muuse Biixi Cabdi (Kala Kaan) oo ina leh waxaa suuqii waynaa ee Waaheen ee inaga gubtay iga soo tacsiyadeeyay madaxwayne Farmaajo iyo raysal wasaaraha ay isku dhagan yihiin ee Rooble, waanan ka aqbalay tacsidaa isagoo inoo sheegaya in uu kaga aqbalay kal furan iyo laab xaadhan oo ay taasina tahay walaaltinimadda guud ee ka dhaxaysa labada ummadood ee walaalaha ah ee Somaliland iyo Somalia oo ay ka dhaxayso walaalnio guud.Muuse (Kal kaan) oo haddana ka soo muuqday muuq baahiyaha oo ina leh hadal ku cakis ah kii hore ee ahaa inuu labaddaa nin ee Farmaajo iyo Rooble ka guddoomay tacsiddii ay u soo direen shacabka reer Somaliland, kamay soo wareegin laba maalmood, markan oo aanu ahayn Muusihii shalay inala hadlay ee inoo sheegay inay la soo hadleen Farmaajo iyo rooble kana soo tacsiyadeeyeen suuqii waaheen ee gubtay, kaasi oo aan u baahnayn siyaasadda biyo batalaqsigga ah in la dhex galiyo ee dhex taal Somaliland iyo Somalia taasi oo aan lahayn wax horu kac ah oo la fahmi karo.

 

Muuse biixi cabdi (kala kaan) marka waa cartamayaa oo kii shalay maaha ee waa mid weji kale leh oo u hadlaya si kale inaanay xukuumaddiisa oo wakiil ka ah dadka reer Somaliland aanay qaadan doonin,aqbali doonin una baahnayn mucaawinimo uga timaada dhanka Somalia oo haddii ay sidaa tahay miyuu tolow ka baqanayay shalay markii uu telefoonka kula hadlayay ee uu ku luminayay wakhtigga ay ku mushahaaro siiyaan dadka reer Somaliland, Muuse laftiisa muu ku yidhaahdo markii xoghayhiisa gaarka ahi u sheegay inay doonayaan inay telefoon kula hadlaan Farmaajo iyo Rooble oo uu u faro farriin ah inaanu la hadlayn ilayn waa ka muwaadiniinta reer Somaliland ee ku biirin lahaa talo iyo tusaaleba ku yidaahdo kuwa dhooban madaxtooyadda Somaliland, sida Maxamed Cali Bile ha ii soo daynina hebel iyo heblaayo xataa ay ka mid yihiin kuwii uga soo qaadhaami jiray qurbaha kolkii uu ahaa guddoomiyaha Kulmiye ee uu ahaa dhaxal sugaha Siilaanyo bal adba!.

 

Markana waa wasiir ka mida kuwa Muuse Biixi Cabdi (Kala Kaan) waa wasiirka diinta iyo aw-qaafta oo ina leh hadal burinya hadalkii Muuse Biixi Cabdi (Kala Kaan) oo ina leh waxaa na soo gaadhay lacag dhan tobanaan kun oo doolar oo iskugu jirta tii ay xukuumadda Farmaajo ka xanibtay Somaliland ee bangiga adduunku ugu deeqay iyo mid ay ku soo dareen ganacsatadda Somalia waar kala hadalku badanaa miyaanay is maqlayn xukuumaddan halka miis ku wada fadhida ee ina leh khamiis kasta waxaanu ku shiraa madaxtooyadda Somaliland? bal adba. Waa hagaag ha iga dagdagin ma dhawa wali oo kala hadalku waa uu sii socdaa waxaan maqli jiray marka la ciyaarsiinayo askarta ayaa kuwa dhabqiya ee aan la haysan jaanta ayay ku halgaadi jireen erayadan kuwa carbiska u qaabilsan askarta oo ay odhan jireen "kaagaasi dhexda raac” iyagoo ula jeedda ka dhabqinaya la qabso oo laynka jaanta isla haysta ku biir oo ha ka duwanaan" Allaylehe iminka ayay taagan tahay inay Muuse Biixi Cabdi (Kala Kaan) iyo xukuumaddiisu isla qabsato oo ay jaanta isla hesho waa tan kala socota min isagaa ilaa wasiiraddiisiiye waa hagaa tolow maxaa intaa xiggi oo aynu dhawraa.

 

Wasiir Ciise Kayd Maxamuud oo ah dr dhawaan loo magacaabay wasiirka arrimaha dibbadda, laakiin ilaa hadda inta aan ka arkay aan wali wax la taaban karo ka badalin wasaaradda arrimaha dibadda oo ay isku badaleen dhawr iyo iyo tobbaneeye wasiir fadhiida, kuwaasi oo ka sinaa uun magac u yaal wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland ama wasiiradda arrimaha dibadda ee Somaliland ayaa isna kolkan ciyaarta suuqa Waaheen ee gubtay, soo galay isagoo xaalkiisu yahay (ka dar oo dibbi dhal) isagu kolak waa ka talawsan yahay Muqdisho oo ilaa waddamadda jaarka ayuu ku eekaysiinayaa weerarkiisa aan dhana haysan oo la mida kii Muuse Biixi Cabdi (Kala kaan)

 

 

Saaxiibkay Maxamed Cismaan ayaa ii soo diray Twitter uu ku qoran yahay hadalkii  wasiirka o diidan caawimaad suuqa Waaheen uga timaada waddamadda jaarka sida Ethiopia iyo Jabuuti oo tolow miyay isku filan tahay xukuumadda Somaliland, sow tan kola ina leh caawimadda walaatinimo cid kasta oo ay ka timaado xataa khawaajaha waa qaadanaynaa kola sow tan ganafka ku dhufanaysa, tolow maxaa siya? waxbaa siye ee tolow maxaa siya qofka aan aad ugu dhuun daloolin Somaliland iyo siyaasiyiin ku sheegeedda ayay tani anfarriir ku noqonaysaa, laakiin cidda taqaanaa waa ay iska ogtahay oo waxay odhanaysa"waa kuwaan aqaanay siddii siyaasiggii Alle ha u naxariisto e Awnaral Saaddaatkii Masar oo markuu arko carab aan waxba ahayn haddana dhaliilaya masar ayuu ku tiraabi jiray "waa kuwaan aqaanay" adeer ma jirto cid siyaasad abuure ah oo Somaliland ama suuqa Waaheen ka hadal ama ka hadal siyaasad biyaha ee Somaliland ama ta aqoonsi raadiska,ama ta deegaanka ama ta caafimaadka, ee waad riyoonaysaa haddii aad u haysato inay dhnakaa kaa xiggaan siyaasad abuurayaal ama siyaasad curiyayaal uun u qaado inay yihiin ahaayeena suuqa waaheen iyo ka hor iyo ka diba "SIYAASIYIINTA MIKIRIFOONADDA"

 

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...