Muxuu Yahay Faraqa U Dhaxeeya Wakiilkii Soomaaliya Ee La Eryey Ee Haysom Iyo Wakiilka Cusub James Swan

0
Friday May 31, 2019 - 23:05:17 in News by
  • Visits: 2705
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Yahay Faraqa U Dhaxeeya Wakiilkii Soomaaliya Ee La Eryey Ee Haysom Iyo Wakiilka Cusub James Swan

    Muxuu Yahay Faraqa U Dhaxeeya Wakiilkii Soomaaliya Ee La Eryey Ee Haysom Iyo Wakiilka Cusub James Swan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muxuu Yahay Faraqa U Dhaxeeya Wakiilkii Soomaaliya Ee La Eryey Ee Haysom Iyo Wakiilka Cusub James Swan


Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa wakiilkiisa gaarka ah ee Soomaaliya u magacaabay James Swan, oo ah diblomaasi u dhashay dalka Mareykanka.

Image result for Haysom and Swan


Mr Swan ayaa sidoo kale loo xushay inuu noqdo madaxa xafiiska qaramada Midoobay ee ka howl gala Soomaaliya.


Ninkan ayaa baddali doona danjire Nicholas Haysom oo u dashay dalka Koonfur Afrika, kaasoo xog hayuhu uu si weyn uga mahad celiyay howshii uu xafiiska UNSOM ee Soomaaliya ka qabtay intii uu shaqada hayay.


Waa kuma James Swan?


War saxaafadeed lasoo dhigay bogga uu internet-ka ku leeyahay howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay soo xulashada wakiilka cusub.


Mr. Swan ayaa lagu qeexay inuu yahay diblomaasi khibrad leh oo muddo dheer kasoo shaqeeyay caalamka, howlo bandanna usoo qabtay dowladda Mareykanka.

Image result for Haysom and Swan

Wuxuu horay u ahaa wakiilka gaarka ah ee dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya.


War saxaafadeedka Qaramada Midoobay ayaa lagu yidhi: "Mr Swan waxa uu khibraddiisa shaqo inteeda badan ku qaatay waddamada qaaradda Afrika, wuxuuna wajahay xaalado adag oo siyaasadeed iyo xilliyo kala guur ah. Waxa uu Danjiraha Mareykanka u fadhiya Koongarada Dimuqraaddiga ahaa intii u dhaxeysay sanadihii 2013-kii ilaa 2016-kii, wuxuu sidoo kale ahaa wakiilka khaaska ah ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya intii u dhaxeysay sanadihii 2011-kii ilaa 2013-kii, halka Danjiraha Jabuuri uu ahaa intii u dhaxeysay 2008-dii ilaa 2011-kii".


Xirfaddiisa shaqo xilligeedii hore, Mr Swan wuxuu soo noqday ku xigeenka kaaliyaha xog hayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee arrimaha Afrika laga billaabo 2006-dii ilaa 2008-dii.


Waxa uu sidoo kale muddo hal sano ah oo u dhaxeysay 2005-tii ilaa 2006-dii soo noqday Agaasimaha Afrika ee hay'adda sirdoonka iyo cilmi barista ee Mareykanka.


Mr Swan ayaa shaqooyin kala duwan kasoo qabtay dalalka Koongada Dimuqraaddiga ah, Koongo, Soomaaliya, Cameroon, Nicaragua iyo Haiti.


Nicholas Heysom?


Wakiilki hore ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaliya, Nicholas Haysom, dowladda Soomaaliya ayaa sanadki hore ka eriday xilka uu qaramada midoobay u hayey.


Haysom oo u dhashay dalka Koonfur Afrika ayaa baddalay Michael Keating oo xilka kaga horreeyey

Michael Keating ayaa shaqada xafiiska UNSOM soo hayey tan iyo bishii Nofembar 2015-kii.


Haddaba waxaan halkan ku eegaynaa nolosha iyo shaqada Nicholas Haysom.


Nicholas Haysom waxa uu dhashay 1952, waana aabbe leh 5 caruur ah.


Mr Haysom ayaa cilmiga sharciga ku bartay jaamacado ku yaalla Natal iyo Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.


Sannaddii 2012, waxa uu shahaadada PHD ka qaatay jaamacada Cape Town.


Khibraddiisa shaqo


Nicholas Haysom ayaa waxa uu horey uga soo shaqeeyay dhowr dal isaga oo wakiil ka ahaa Qaramada Midoobay.


Ka hor inta aan loo magacaabin Soomaaliya waxa uu ahaa ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabailsan South Sudan, jagadaasi oo uu hayay ee 2016.


Mr Haysom waa qareen khibrad dheer u leh arrimaha dimuqraadiyada iyo dowlad wanaagga.


Waxa uu sidoo kale ku xeel dheer yahay arrimaha dib u heshiisiinta, dastuurka iyo isbaddalada shuruucda doorashooyiinka iyo dastuurka.


Nicholas Haysom ayaa sidoo kale ka soo shaqeeyay dalal kale oo ay dagaalo sokeeye iyo daganaashiyo la'aan ay ka jirto.


Sannadihii u dhaxeeyay 2014 iyo 2016, waxaa uu ahaa ergaygii gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qabilsanaa dalka Afqanistaan.


Mr Haysom ayaa sidoo kale intii u dhaxeysay 2005 to 2007 ahaa madaxii xafiiska Qaramada Midoobay ee dowladdii Ciraaq ka taageerayay dastuurka.


Wuxuu ku lug lahaa geeddi socodkii wadahadallada nabadda ee Burundi, isagoo guddoomiye ka ahaa guddiga wadaxaajoodka arrimaha dastuurka 1999 - 2002.


2002 iyo 2005, Mr. Haysom waxaa uu ahaa la taliyihii dhedhexaadinta ee geedi socodkii nabadda ee Sudan.



Source:-BBCsomali
Loading...
Loading...