Somaliland Oo Ka Hadashay Saraakiisha Iyo Ciidanka U Goostay Puntland Iyo Qorshaha Uga Yaala
Hargeysa(HWN):-Xukuumada somaliland ayaa markii ugu horaysay ka hadashay saraakiisha ka tirsan ciidamada qaranka iyo guutooyinka ciidanka ah ee u goostay dhinaca maamulka Puntland.
Cabdiqani Maxamuud Caateeye, wasiirka gaashaandhiga somaliland oo ka hadlay ciidanka goostay ayaa sheegay in xukuumada somaliland ay maxkamad soo taagi doonto "Ciidamadu waxay ka mid ahaayeen kuwa jamhuuriyada somaliland, waxaanan fariin u dirayaa ciidamada ka goostay somaliland inay noqdeen niman ka soo horjeedsaday dawladoodii oo dawlad dumis noqday kuwaas oo lagu maxkamadayn doono wixii maanta ka dambeeya iyada oo kiiskooda aanu u gudbin doono maxkamada darajada koowaad.” Ayuu yidhi wasiir Caateeye oo u waramay Somalicable TV.
Wasiir Caateeye ayaa intaas raaciyey "Maalinta uu yimaado ayaa wixii xukun ah ee halkaas ka soo baxa nooca uu doono ha ahaadee lagu xukumi doonaa laguna dhaqmi doonaa.”
Wasiirka gaashaandhiga ayaa sidoo kale meesha ka saaray in ciidamadaas la siiyey amar ay ku weeraraa magaalada Badhan "Badhan maxaa loo weerarayaa somaliland ayey ka mid tahaye, in amnigeeda la sugo mooyaane, ciidankuna meel kasta wuu joogaa oo hargeysaba wuu joogaa waana kaas talisyada ku leh, ciidankuna wuu tagayaa meel kasta oo somaliland ah xad kasta iyo dhul kasta, ciidanka qaranka, ciidanka booliska, ciidanka bada, ciidanka asluubta iyo ciidanka badaba meel ka xaaraan ah oo somaliland ah ma jirto, meel kasta oo somaliland ahna way tagi karaan.”
Sidoo kale wasiir Caateeye ayaa sheegay in sharciga lagula xisaabtami doono saraakiisha u goostay dhinaca maamulka Puntland "Intii hawshaas dhacday iyo wixii soo kordha ee dhibaatadaas sameeya oo hadana iska soo gali doona ma jiri doonto, mid walbana maxkamada darajada koowaad ayaa xukumaysa waayo waa qaran dumis, waayo nimankani digreeto madaxweyne ayey ku fadhiyaan oo imika ninka gaashaanle dhexe ah macnaheedu waxa weeyaan shan digreeto oo madaxweyne ah ciyaarna maaha, garbahiisana waxa saarani waa qiimihii iyo karaamadii somaliland laakiin wuu dumiyey waxaana lagula xisaabtamayaa wixii uu sharcigu ka qabo, lamana odhan karo dayacaad xukuumada ka timid ayey ciidankaasi u goosteen.”
Dhinaca kale wasiirka gaashaandhiga somaliland ayaa ka gaabsaday inuu cadeeyo tirada maxaabiista ee maamulka Puntland ka hayo somaliland "Dagaalka mar wax walba way ka iman karaan wixii ay hayaan Puntland ee maxaabiis ah waa laga rabaa, anaguna hadaan nahay somaliland waxaanu ogolnahay inaanu u qabsoono hay’addaha caalamiga ah sida ICRC, cafiskana waxaan ugu tala galnay in wada noolaanshuhu uu caadi u socdo, iyaga waa laga rabaa inay keenaan wixii ay hayaan ee maxaabiis ah, tiro xadidan oo aan hada sheegi karaa ma jirto waayo hay’adda ICRC ayaa noo dhaxaysa.”