Way dhaaftaye, Ha Loogu Dhaarto!

0
Sunday May 01, 2022 - 10:09:00 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1004
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Way dhaaftaye, Ha Loogu Dhaarto!

    W/Q: Barkhad Dahir Ismael

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Barkhad Dahir Ismael

Waa 48 jir inka badan kala-badh iyo rubuc cimrigiisa u hibeeyay inuu u adeego bulshadiisa. Waa safar tobanaan sannadood heerar kala duwan soo maray: adeegge/samofale bulsho ilaa hawl wadeen horumarineed; wacyi-dhise bulsho ilaa wasiir xukuumaddeed; dhaqdhaqaaqe madaxbanaan ilaa Maayar Caasimaddeed.



Shaki kuma jiro inuu ka yimi mid ka mid ah qoysaska ugu caansan ama magaca weyn Soomaalida.

Awoowgii Mooge Liban Hassan, dadka qaarkiina u yaqaaneen Mooge-Baban, waxa uu ku dhashay Hargeysa. Waa qoys caan ku ah Fanka, Suugaanta, Dhaqanka, Ganacsiga iyo Siyaasadda intaba, iyadoo Mohamed Mooge ka mid ahaa xubnihii calanka u siday bilawgii hore ee fidinta tacliinta Soomaalida iyo halgankii caddaalad-raadinta. Waxa u dheeraa, in xataa quruxda iyo xarragadooda ay maansooyin iyo heeso kusoo arrooreen intii lagu jiray qarnigii tegay.


Mooge-Baban, iyadoo da’diisu aad u yartahay buu ganacsi ka bilaabay Hargeysa. Adeerkii Mohamed, aabihii Ahmed iyo eddooyinkii Safiya iyo Kinsi Mooge Liibaan waxay ku dhasheen xaafadda Geed-goble oo weli ay hantidoodu ku taalo. Intii na aan Hargeysa aad u kala aqoonin, waa goob qiyaastii kun talaabo iyo wax la jira uun Waqooyi kaga beegan suuqa dabku burburiyay ee Waaheen ee badhtamaha caasimadda. Ayeeydii Cibaado Xaaji Muxumed waxay ahayd reer Hargeysa, waxayna ku kortay xaafadda Laba-Nuux oo aan kaba durugsanayn goobta uu aabihii, fanaankii caanka ahaa ee Ahmed Mooge Liibaan ku dhashay.


Mooge yare ama Mr. Mooge Jr. sidaas buu farac dhawr jiil ah u yahay xuddunta Hargeysa da uu maanta hoggaamiyo.


6 Juun 2021, doorashadii golaha Deegaanka waxa kusoo baxay 17 xubnood oo 12% ay ka soo jeedaan qoyska reer Mooge Liibaan, kuwaasoo kala ah Abdikarim Ahmed Mooge iyo sidoo kale Xil Abdikareem Garas oo ay dhaleen Safiya Mooge iyo Allaah haw naxariistee Hassan Abdi Garas oo ka mid ahaa ganacsada iyo odayaasha magaalada.


17 Juun waxa Maayornimo loo doortay Abdikarim Ahmed Mooge oo noqday shaqsigii ugu codad badnaa ee kelidii doorasho u orda guud ahaan taariikhda doorashooyinka Soomaalida, iyadoo ay kumanaan dadweyne ah oo u heellani ay dhooban yihiin agagaarka xarunta DHH.


Mr. Mooge Jr. oo ka sharaxnaa xisbiga ugu weyn mucaaradka ee Waddani, waxa uu helay 26,299 cod oo boqolkii 25.3% ka noqonaysa guud ahaan codadkii la siiyay 17 xubnood oo ahaa 103,685 cod.


7 xubnood oo ka soo baxay xisbigiisa, waxa gaar ahaan ugu codeeyay 54,948, taasoo ka dhigan in Mr. Mooge helay 47.8% codadkii xubnaha xisbigiisa usoo baxay, halka 6 xubnood oo xisbiga talada haya ee KULMIYE usoo baxay na ay wadar ahaan heleen 33,402 oo cod.


Si kale haddaan u dhigo, 51 xubnood oo saddexda xisbi metelaya ayaa ka qaybgalay doorashada, kuwaasoo caasimadda ka helay inka badan 188 kun oo cod. Tani waxay ka dhigan tahay in boqolkiiba 14% ay keligii codkooda siiyeen reer Hargeysa, marka la barbar dhigo 50 kii kale ee musharax, iyadoo xubnaha doorashada u orday ay 3/2 ku hadheen tartankaas.


Juun 2021, waxa uu noqday Maayarkii u horeeyay ee dhammaan codkooda hela xubnaha golaha Deegaanka Hargeysa, tan iyo December 2002 oo doorashooyinka iyo hanaanka xisbiyadu ka bilaabmeen SL, iyadoo Maayarnimadiisu aanay dookhooda 1aad u ahayn dhammaan hoggaamiyeyaasha saddexda xisbi ee jira. Qadarka Illaahay ka sokow, awooddaas waxa sahayda koowaad u ahayd rabitaanka shacabka oo kaashanaysa saamayntiisa shaqsiyeed, dedaal iyo galaangal uu sameeyay, taasoo aakhirkii saddexdooda ba ku sandulaysay inay isgarab taagaan, si ay uga gabadaan tooshka siraadmay iyo indhaha shacabka ee muddo dheer kadib soo jeedsaday.


-Dedaal shacab lama duwi karo;

-Dareen shacab, lama deddi karo;

-Dan shacab na, lama duudsiyi karo;

Qof ahaan kama mid ahi inta si fudud iyo sababo aan la cayimi karin ku qaata/aamina masuul dawladdeed/xisbi ama mid bulshada dhexdeeda caan ka ah. Jacayl iyo nacayb, dan iyo eex, saaxiib iyo isku reer  midna ma taagna. Keliya waxaynu isla faaqidaynaa uun saamaynta muuqata ee shaqsiga/xisbiga ama kooxda markaa laga hadlayo.


Shaki kuma jiro in shiidka ama hagardaamo kasta oo hoggaamintiisa ka dhan ah oo kaga timaada kaamamka siyaasaddeed (political camps) ee xisbiyada cartamaya, gaar ahaan labada xisbi ee KULMIYE iyo WADDANI, ay aakhirka dambarsan doonto guushooda doorashada soo socota. Haddii laga yaabo inaad si ka duwan sidaa u aragto, saamayn na aad ku leedahay gulufka xidhiidhsan ee ka dhan ah isaga iyo xubnaha HCC, aragtidani ma ba aha mid lagugu sandulaynayo. Taada ku soco, oo aynu aragno maxsuulkeeda iyo waxa uu ka dheefsado cidda aad damaciisa siyaasaddeed meelmarinaysaa ama aad u saqiirinayso horumarka bilaabmay ee Hargeysa.

DHAWR SABABOOD OO AANAY XISBIYADU ULA DIRIRI KARIN MAAYOR MOOGE IYO HCC:


1: KULMIYE

Haddii carqalada muuqata ee ka imanaysa masuuliyiinta Xukuumadda aanu Madaxweyne MBC maarayn degdeg ah u helin, waxay dhaxalsiin kartaa dhawrkan qodob:


-Tartanka doorashada waxa lagu xujayn doonaa oo horyaala in uu yahay xisbi iyo musharax lid ku ah koritaanka hay’addaha dowliga ah qaarkood (dawladdaha Hoose) iyo horumarinta iyo wax-ka-qabashada adeegyada shacabka ee aad ka u liita (heerar degmo/caasimaddeed gaadhsiisan).


-Waxa hortaala inuu lid ku yahay isla-xisaabtanka, maamul-wanaagga iyo la-dagaalanka musuqmaasuqa ragaadiyay dalkeena SL.


-Musharax MBC iyo xisbigiisa ba, waxa la hordhigi doonaa in qorshihiisu yahay ku adeeggashada awooddaha Maayarada dalka, iyo xataa haddii laga tegi waayo inuu u xaglinayo wax u dhadhan eeg dir-sooc iyo kala-qaybin bulsho, maadaama aanu ka hor imanin Maayarkii hore ee MBC ay isku xaafadda ahaayeen iyo qorsheyaashii golahii hore ee Hargeysa.


-Waxa MBC si dadban iyo si toos ah ba ugu shaambadoobi doonta xantii la xidhiidhay in doorashadii 2017 loo xantoobiyay xoolihii umadda iyo si gaar ah cashuurtii umadda reer Hargeysa. (Tani xataa uma fiicnaan doonto maayarkii hore mudane Cabdiraxmaan Maaxamuud Caydiid oo isagana waxay usoo jiidaysaa inuu takrifal iyo eex siyaasaddeed ku kacay).


-Markale, waxa hortaala inay xanaf aan duugoobin dhex dhigayso MBC iyo xaafadda ay hooyadii Cadar Muxumed Warsame iyo Mr. Mooge kasoo jeedaan, taasoo intay balaadhato aakhirka damqi karta dakanooyin bulsho hore oo qolofi fuushay.


2: WADDANI

Haddii aanay hoggaanka xisbigu (Guddoomiye Xirsi iyo musharax Cabdiraxmaan Cirro) dhug u yeelan, isla markaana wax ka qabanin shaqsiyaad xisbiga lala xidhiidhinayo oo dibin-daabyo hoose ku wada hoggaanka DHH, waxa hortaala;


-Inay lid ku yihiin baraaruga cusub ee bulshada, xisbiguna u janjeedho nidaamkii hore ololayaasheena doorashooyinku ku dhisnaayeen ama ugu yaraan lid ku yahay waxa uu caadiyan u taagan yahay.


-Inuu si dadban u dhisayo MBC, si ay isugu dhawaadaan Mooge iyo MBC, taasina dareenka shacabka caasimadda ee Mr. Mooge la jira u ciiriso ama u jeediso dhinaca xisbiga Kulmiye marka la gaadho doorashada soo socota.( Haddii A.A Mooge meesha ka tago, waxa iman kara mid ku sifooba waxyaabihii ay Maayarada hore kaga caban jireen, markay arrimaha xisbiyada noqoto.)


-Inuu curdhin-dhadhinayo hoggaamiyeyaasha soo ifaya ee xisbigiisa ku abtirsada, si ay taasi fursad u siiso maskaxdii qadiimka ahayd ee hanaanka cod-raadinta doorashooyinkeenu ku salaysnaan jireen.


-Waxa Dr. Cirro iyo guddoomiye Hersi ba shaambad aan ka go’in ku noqon doonta inay sas ka qabaan soo bixitaanka hoggaamiyeyaal siyaasaddeed oo firfricoon oo mustaqbalka loo aayo.


-Waxa sii xoogaysan kara dareenka aan buurnayn, marmarka qaarkood na gacan-ku-nimiska ah ee furashada urur-siyaasaddeedyada cusub, si da’yartu u helaan madalo siyaasaddeed oo ay isku soo bandhigaan, kuna baratami karaan, si ay heerarka kala duwan ee goleyaasha siyaasaddeed ugu adeeggaan qarankeena.


-Waxa uu luminayaa faankii hanashada xilalkii ugu badnaa ee Maayarada dalka iyo guushii uu ka gaadhay doorashadii May 2021.


3: KULMIYE, WADDANI iyo UCID

Saddexduba waxay si dadban u dheefsanayaan horumar kasta oo qadarka Allaah ha sokow, lagu suurtogeliyo hoggaaminta bulshadu jeclaysatay ee A.A Mooge, waayo:


-Wuxuu kasoo baxay mucaaradka, gaar ahaan xisbiga Waddani.

-Wuxuu ka hoos shaqaynayaa hoggaaminta sare ee Madaxweyne MBC oo xisbigiisu talada dalka hayo.

-Hoggaanka UCID waxa uu ka mid yahay kuwii ugu horeeyay ee taageeray intii A.A Mooge tartanka xilka Maayarnimo u ordayay bishii Juun ee sannadkii hore, sidaa darteedna kama iibsamayso wax lid ku ah amaan iyo duco uu dhawr jeer u jeediyay dedaalada uu wado.


-Hoggaanka saddexda xisbi ba, waxay wadaagaan inay wanaag iyo horumar la jecel yihiin bulshada caasimadda Hargeysa iyo dalkooda Somaliland (inkastoo ay jidka loo marayo ku kala duwan yihiin).

-Dedaalka iyo fekradaha dal-dhiska ah ee Maayor A.A Mooge, waxay carinayaan hoggaamintooda iyo aarraadooda siyaasaddeed. Waxay ku riixayaan soosaarista iyo fursadsiinta da’yar firfircoon oo aan shilinku agtooda ku waynayn, kana jecel kasbashada quluubta shacabka.

*****

Ma tahay cidda aad la dagaaalamaysaa inay kuu miisaanaato marka hore? Adiga makuu qiimaysan tahay saamaynta ficiladaada siyaasaddeed? Ha gelin dagaal aanay dheef siyaasaddeed, shaqsiyeed iyo bulsho midna kuugu jirin.  Qof aad isleedahay wax u tar, waxyeelo iyo dhaawac aanad garan karin ha gaadhsiin.


Haddaad hoggaamiso Xukuumadda/Xisbi siyaasaddeed, u dhug-yeelo ficilada gurracan ee ay ku kici karaan ama ku kacayaan kooxaha/shaqsiyaadka kaa hoos shaqeeya.


Kooxda CQM (Cayayaanka Qaranku Masruufo) iyo kuwa la mid ka ahiba ha waantoobaan, hana ka waantoobaan u kala abtirinta bulshada. Ficiladooda hagardaamada ah, waxa u qoollan ciddii diratay, maanta iyo beri ba.


Abwaan Cabdi Warsame Baanje (Cabdi-Gahayr) waxa laga hayay;

"Badda Liibiyaa soo gasheen, mana baqaysaan….”

NB: Qodobadda ku saabsan maxsuulka aan u wanaagsanaan doonin ee xisbiyada qaarkood ka dhaxli karaan hagardaamo ay u geystaan A.A Mooge iyo HCC,dhammaantood kama wada tarjumi karaan aragtidayda shaqsiga ah, laakiin keliya waxaynu ka hadalay sida ay dadka qaarkood ficilo noocaas ah u fasiran karaan ama loogu sawiri karo marka la gaadho ololaha doorashada karkeedu ruxayo SL.


#WayDhaaftayeHaLooguDhaarto!

#wadajirIyoCaddaalad

#Somaliland

W/Q: Barkhad Dahir Ismael

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...