Khilaafka Ka Dhex Aloosmay Komishanka Doorashooyinka Saamayn Ma Ku Yeelanayaa Doorashada Madaxnimo?

0
Saturday April 30, 2022 - 15:10:59 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 685
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaafka Ka Dhex Aloosmay Komishanka Doorashooyinka Saamayn Ma Ku Yeelanayaa Doorashada Madaxnimo?

    W/Q: Nuuradiin Diini

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Nuuradiin Diini

Komishanka Doorashooyinka qaranku waa Haayad xaasaasi ah, dalka iyo dadkana u haysa shaqo muhima waxaanay ku shaqaysaa is aamin iyo kalsooni dhexdooda ah, kalana dhaxaysa dhammaan daneeyayaasha ay u adeegaan, sida Xisbiyada Qaranka Muxaafid iyo Mucaaridba.



  sidaasi oo ay tahay nidaam ahaan waxa ay ku shaqeeyaan wadatashi, go'aanadana siwada jir ah ayay ku gaadhaan dhammaantood. Waxaanay wadaagaan hal goob oo ay ku  shaqeeyaan. Guddoomiyuhu kaligii go'aamo ma gaadhi karo ee  waa shir guddoon uun, mana laha awood u gaara oo uu ku maamulo.


Nidaam ahaan marka ay noocaasi u shaqeeyaan waxa muhima in aynu is weydiino sideebay u sii jiri karaan haddii ay lunto kalsoonidii iyo wada shaqayntii xubnaha Komishanka dhexdoodu? Jawaabtu waa mid iska cad oo waxa muuqata in aanay sii wada socon karin siina jiri doonin xubnahani.


     Sida ka muuqata warqada ay soo saareen xubnaha sheegay in ay badaleen guddoomiyihii Komishanka waa mid sharciga baalmarsan sababta oo ah xeerka Guud ee Doorashooyinka Xeer /91/ 2020  wuxuu sheegayaa in 5 xubnood wax dooran karaan badalina karaan, sida cadayntan hoose ka muuqatana xubnaha wax badelay waxna doortay waa 4 Komishneer. Komishneer


Mustafe Maxamed Daahir oo ah qofka koowaad ee liiska ku xusani dalka ma joogo oo fasax buu ku maqan yahay Sidaasi oo ay tahay xeerku muu sheegin in Online lagu codeeyo ee wuxuu sheegay in xubintu goob joog ku codaynayso walibana gacan taag ah, waxa kale oo faashil ah in xubin maqan oo Komishneera la adeegsado magaciisii iyo saxeexiisii, taasina waa mid luminaysa aaminkii Komishanka Doorashooyinka qaranka lagu qabay.


  Waxaa kale oo iyana jirta sida ku cad warqadda uu u qoray Madaweynahu Guddoomiyaha Komishanka 25/04/2022 tuhun musuq maadaamoo uu dalbaday in lagu sameeyo baadhis.


     Haddii aynu qiimayno mawqifka ay ka qaateen qadiyadan xisbiyada mucaaridku waa mid iftiiminaysa in ay sidan raali ku yihiin ama xubnaha sameeyay talaabada isbedelka ay kula socdaan ama ay siiba ogaayeenba. (???????????????????? ???????????? ???????????????????? ???????? ???????????? ????????')


   Khilaafkani waxa uu sababi doonaa in ay dib u dhacdo Diwaangalintii codbixiyayaashu, taasina waa mid saamayn weyn oo taban ku yeelan doonta doorashada madaxnimo ee qorshaysanayd 13nov.


     Su'aasha jawaabta u baahan ee kama kacdada ahi waxa weeyi maxay mucaaridku wakhtigan xasaasigaa ku ka lifay in la badelo gudoomiyaha komishanka? Jawaabtu waa xagiina.

 

W/Q: Nuuradiin Diini

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...