Nin cadaan ah oo toogtay haweenay madow ah oo uu "Jeer ku qalday "

0
Saturday April 30, 2022 - 13:02:00 in News by
  • Visits: 2384
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin cadaan ah oo toogtay haweenay madow ah oo uu "Jeer ku qalday "

    Ramokone Linah oo 38 jir ah ayaa waxa ay dhaawacyo ka soo gaareen rasaas uu ku furay ninkan cadaanka ah"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ramokone Linah oo 38 jir ah ayaa waxa ay dhaawacyo ka soo gaareen rasaas uu ku furay ninkan cadaanka ah"

Nin 77 jir caddaan ah oo u dhashay Koonfur Afrika ayaa Khamiistii maxkamadda horteeda ka qirtay in uu toogtay oo uu dhaawacay haweeney madow ah isaga oo sheegay in uu ku qalday jeer, sida ay booliisku sheegeen



"Eedaysanaha la xiray wuxuu rasaas ku furay haweenayda madowga ah oo uu sheegay inuu ku qalday jeer," afhayeenka booliska Mamphaswa Seabi ayaa sidaasi ku yiri warbixin uu soo saaray.


Ramokone Linah oo 38 jir ah ayaa waxa ay dhaawacyo ka soo gaareen rasaas uu ku furay ninkan cadaanka ah”, sida ay booliisku sheegeen.


"Eedeysanaha ayaa iska lahaa beerta shilku uu ka dhacday," ayuu yiri Mashudu Malabi-Dzhangi, oo ah afhayeenka NPA ee gobolkaas.





Dhacdooyinka noocaan oo kale ah ayaa caadiyan caro ka dhex abuura dalkaas halkaas oo kala qaybsanaanta qoomiyadaha ay weli ka jirto 28 sano kadib markii uu dhamaaday xukunkii midab-takoor ee caddaanka.



BBC


Loading...
Loading...