Itoobiya Oo Ku Dhawaaqday Tirada Dad Gargaar Deg Deg Ah U Baahan Iyo Gobolada Ay Ka Soo Jeedaan.

0
Thursday March 07, 2019 - 19:34:20 in News by
  • Visits: 2484
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Itoobiya Oo Ku Dhawaaqday Tirada Dad Gargaar Deg Deg Ah U Baahan Iyo Gobolada Ay Ka Soo Jeedaan.

    Mitiku Kassa oo ka tirsan guddida maaraynta masiibooyinka dabiiciga ah ee Itoobiya oo ay weheliyo xidhiidhiyaha qaramada midoobay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mitiku Kassa oo ka tirsan guddida maaraynta masiibooyinka dabiiciga ah ee Itoobiya oo ay weheliyo xidhiidhiyaha qaramada midoobay

Addis Ababa(HWN):-Dawlada Itoobiya ayaa shaacisay tirada dad shacab ah oo u baahan in lala gaadho gargaar deg deg ah.


Mitiku Kassa oo ka tirsan guddida maaraynta masiibooyinka dabiiciga ah ee Itoobiya oo ay weheliyo xidhiidhiyaha qaramada midoobay ee arimaha bani aadamnimada ayaa soo bandhigay waxyaabaha ay u baahan yihiin dadka la doonayo in gargaarka la gaadhsiiyo.

Mitiku Kassa ayaa xusay in dadka ay aad ugu baahan yihhiin Cunto, Nafaqayn, Hoy, Biyo, nadaafada iyo sixada oo laga hagaajiyo , caafimaadka, amaanka iyo wax soo saarka beeraha.

Sidoo kale Mitiku Kassa ayaa sheegay in xaalada bani aadamnimo ee haatan ka jirta dalka Itoobiya ay la mid tahay tii ka jirtay sanadki 2018 taas oo ay ugu wacan tahay dad ku barakacay meelo kala duwan oo dalka gudihiisa ah kuwaas oo u baahan gargaar bani aadamnimo iyo sugida amaankooda.

Mitiku Kassa ayaa shaaciyey in dad gaadhaya ugu yaraan 8.3 Million ay u baahan yihiin gargaar cunto oo deg deg ah isla markaana laga caawiyo waxyaabaha kale ee aan cuntada ahayn ee ay u baahan yihiin, waxaanu xusay in loo baahan yahay lacag gaadhaysa $1.3 billion si gargaarkan loo gaadhsiiyo dadkaasi, waxaanu cadeeyey in dawlada Itoobiya ay bixinayso kharashka ku baxaya gargaarka 40% halka 60% ay bixin doonaan ururada caalamiga ah iyo kuwa gudaha ee ka hawl gala dalka Itoobiya.

Sidoo kale Mitiku Kassa ayaa soo bandhigay deegaanada ay ku kala sugan yihiin dadkaas gargaarka u baahani waxaanu cadeeyey in 46% dadkaas ka mid ahi ay ku sugan yihiin gobolka Oromada, 22% ay ku sugan yihiin gobolka soomaalida, 12% ay ku sugan yihiin gobolka Amxaarada, 10% ay ku sugan yihiin SNNP halka 40% ay ku sugan yihiin gobolada Tigrey iyo Afar.

Sidoo kale Mitiku Kassa waxa uu sheegay in gargaarka ay ka faa,iidaysan doonaan dad kale oo ka soo jeeda Gambela, Benishangul Gumuz, Harari iyo Diridhaba.


Loading...
Loading...