Axkaamta Ramadaanta Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub Qaybtii 27aad
Waxa sakaatul fidriga laga qaada qof kasta oo muslim ah, qaangaadhnimo u shardi maaha, sida oo kale lab iyo dhaddig waxa laga qaada wax isku mid ah, yar iyo waynna waa isku mid.
Ilmaha yar ee dhasha maalinta ciidda lagama rabo sakaatul fidri, sida oo kale qofka dhinta maalinta u dambays Ramadaan isna laguma laha sakaatul fidri, balse waxa la doonaya in qofku labadaba soo gaadhay Ramadaan iyo ciidda ba.
Axkaamta iyo eedaabta ciidda
Maalmaha ciiddu waa maalmo farxadeed oo qofku ku farxayo inu soo gutay waxqabadyadii la faray. Waxa mudan inaynu xuska maalmaha ciidda u samayno sida layna faray.
Ugu horrayn waa in aynnu oogno salaadda ciidda oo ugu mudan maalintaa wax la qabto, shuruud iyo arkaan baanay leedahay waxana ka mid ah:-
- Salaadda ciiddu waa salaad sunne ah.
- Waa laba rakcadood.
- Rakcadda hore waxa lagu takbiranaya toddoba aanay ku jirin takbiratul ixraamku
- Rakcadda labaadna shan takbiirood oo aanay ku jirin takbiirta sujuudda lagaga soo tuusaya (khilaafna waa ku jira).
- Khadbadu salaadda way ka dambaynaysa.
- Waana laba khudbadood oo fadhi u dhaxaynayo sida salaadda jimcaha oo kale.
Sida oo kale waxa xusid mudan labada ciidood in midna salaadda la dedejiyo midna dib loo dhigo. Salaadda ciidda Fidriga lama dadajiyo oo qofku isaga oo sii quraacday buu tagi karaa, oo sakaatul Fidrigiina iska sii bixiyey, halka salaadda ciidda Adxaha loo dagdagayo sidii wax loo qali lahaa, sida darteed baa loo dadajiya salaadda.
Waxa sida oo kale mashruuc ah in la tarkbiiro (Alle la waynneeyo) maalmaha ciidda, khaas ahaan ciidda Adxaha iyada saddex cisho ayaa la akhrinayaa takbiirta. Saxaabadu suuqyada ayey ku takbiiri jireen. waxa kale oo yadna xasuusin mudan in takbiirta la akhrinaya ay tahay ta ka sugnaatay Rasuulka CSW, ee Saxaabaduna akhrin jireen.
Bogga Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub
Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub
Email: [email protected]
Tell: 063 440 85 03. 97 08 515
SheekhRakuub.wordpress.com
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!