Axmed Karaash Oo Soo Saaray War-saxaafadeed Ku Socda Dhamaan Gobolada Puntland.

0
Thursday April 28, 2022 - 18:05:32 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2152
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axmed Karaash Oo Soo Saaray War-saxaafadeed Ku Socda Dhamaan Gobolada Puntland.

    Dhammaan Guddoomiyayaasha Sagaalka Gobol ee Dawladda Puntland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhammaan Guddoomiyayaasha Sagaalka Gobol ee Dawladda Puntland.

Garoowe(HWN) Madaxwayne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash ayaa soo saaray war-saxaafadeed ku socda dhamaan Gobolada Puntland kaasi oo uu ku farayo shacabka inay salad roobdoon ah iskugu soo baxaan.

Waxaanu War-saxaafadeedka oo nuqul kamid ah soo gaadhay Shabakada Hadhwanaagnews uqornaa sidan:-

 

Ku : Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqancelinta Dawladda Puntland.

Ku : Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta Dawladda Puntland.

Ku : Dhammaan Guddoomiyayaasha Sagaalka Gobol ee Dawladda Puntland.

Ku:  Dhammaan Guddomiyayaasha Degmooyinka Puntland.

Ku: Culuma Awdiinka iyo Bulsho Waynta Puntland.

Og: Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Dawladda Puntland

Og: Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dawladda Puntland.

.

Ujeeddo: Baaq isu soo baxyo Roobdoon.



Ka dib safaradaydii aan ku marayey qaybo ka mid ah Gobolada Puntland oo aan ugu kuurgalayey  xaaladda nololeed iyo amni ee ay ku sugan yihiin Bulshada aan Masuuliyadda u hayno.


Aniga oo  dareensan saamaynta baaxadda leh ee abaarta ba’an ee ka jirta guud ahaan Soomaaliya iyo si gaar ahba Dhulka Puntland.


Aniga oo dareensan kana xun dhibaatada Biyo iyo Baad la’aanta ah ee ay ku sugan yihiin in badan oo ka mid ah reer guuraageenna iyo xoolaheenna aynu dhaqanno oo laf dhabar u ah nolosheenna iyo dhaqaalaheenaba.


Hadaba aniga oo ka jawaabaya baaqyada isdaba joogga ah ee Culumo-awdiinka iyo wax garadka Puntland , dareensanna baahida loo qabo in la qabto isu soo baxyo roob-doon iyo Alla bari ah, waxaan Maalinta Sabtida ah oo taariikhdu tahay 30-04-2022 u asteeyay maalin roob-doon ah.


Waxaan culumo-awdiinka sharafta badan ka codsanayaa in ay hoggaamiyaan roob-doonta iyaga oo kaashanaya masuuliyiinya Wasaaradda Cadaaladda iyo Masuuliyiinta Dawladda ee heer Gobol iyo Degmo, bulshadana fariinta  ka gaarsiiyaan Masaajidda xiliyada Saaladaha si gaar ah Salaadda Jumcaha.


Waxaan ugu baqayaa Bulsho waynta reer Puntland in ay isugu soo baxaan roobdoonta, gacmahana Eebe u hoorsadaan kana baryaan in Eebe ugu naxariisto raxmaddiisa.


Waxaan ILLAHAY ( SWTC) ka baryayaa , kana rajaynayaa in uu innaga aqbalidoono Roob-doonta iyo Alla barigeennaba.


Ugu danbayntii: Roob doonta darteed waxaa Maalinta Sabtida ah fasax ah dhammaan Xafiisyada Dawladda ee heer Dhexe, Gobol iyo Degmo.


Waxaan farayaa dhammaan laamaha amniga heerarkooda kala duwan xoojinta iyo sugidda amniga goobaha dadwaynuhu isugu soo baxayaan.


Wabillahi Towfiiq.

Loading...
Loading...