Baarlamaanka Carabta oo ka hadlay doorashada Guddoonka Golaha Shacabka

0
Thursday April 28, 2022 - 13:33:12 in News by
  • Visits: 917
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka Carabta oo ka hadlay doorashada Guddoonka Golaha Shacabka

    War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxweynaha Baarlamaanka Carabta Caadil Bin Cabdiraxmaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxweynaha Baarlamaanka Carabta Caadil Bin Cabdiraxmaan


Baarlamaanka Carabta ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ee xalay Xildhibaannada Golaha Shacabka ku doorteen Magaalada Muqdisho.


War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxweynaha Baarlamaanka Carabta Caadil Bin Cabdiraxmaan ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay doorashada Guddoonka Golaha Shacabka, isaga oo sheegay inay xoojineysoxiriirka Carabta iyo Shacabka Soomaaliyeed.



" Waxaa sharaf ii ah aniga oo ku hadlaaya Magaceyga iyo Magaca Golaha Baarlamaannada Carabta waxaa hambalyo gaar ah u direeynaa doorashadii uu kusoo baxay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe, waxaan Alle uga baryeeynaa in uu waajibaadkiisa u guto si ay mas’uuliyad kujirto. uguna adeego Shacabka Somaaliyeed si wanaagsan ayuu yiri” Caadil Bin Cabdiraxmaan


Soomaaliya ayaa marka la fiiriyo waxaa doorashadii uu kusoo baxay Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) waxaa soo dhaweeyay guud ahaan Siyaasiyiinta mucaaradka.





Loading...
Loading...