Dowladda UK oo Sheegtay Inay Taageerayso Dadkii Ku Hanti Beelay Dabkii Suuqa Waaheen

0
Thursday April 28, 2022 - 09:58:16 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1590
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda UK oo Sheegtay Inay Taageerayso Dadkii Ku Hanti Beelay Dabkii Suuqa Waaheen

    Dowladda UK oo Shaacisay Inay Taageerayso Dadkii Ku Hanti Beelay Dabkii Suuqa Waaheen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda UK oo Shaacisay Inay Taageerayso Dadkii Ku Hanti Beelay Dabkii Suuqa Waaheen


Hargeisa(HWN):-Dowladda UK, ayaa waxaa ay shaaca ka qaaday inay hormood ka tahay dadaallada lagu taageeraayo dadkii ku waxyeeloobay dabkii suuqa Waaheen, isla markaanna ay la kaashanayso Xukuumadda Somaliland.



Xildhibaan Kerry McCarthy oo ka hadashay fadhigii Baarlamaanka, ayaa sheegtay inay weydiinayso Xoghayaha Arrimaha Dibedda, Barwaaqo-sooranka iyo Horumarinta, tallaabooyinka ay qaadayso si ay u taageerto Somaliland, kadib dabkii dhawaan ka kacay Hargeysa.

Vicky Ford, oo ah Wasiirka Afrika u qaabilsan, Xafiiska Horumarinta, Arrimaha Dibedda iyo Barwaaqo-sooranka, oo ka jawaabaysa ayaa tidhi, "Dareenkeenu wuxuu la socdaa dadkii ku waxyeeloobay dabkii ka kacay suuqa Hargeysa oo sababay dhaawac iyo burbur baaxad leh oo soo gaadhay goobo ganacsi.

Ford, ayaa hadalkeeda raacisay, "Ingiriisku waxay hormuud ka tahay dadaallada Dublamaasiyadeed iyo ka jawaabista horumarka ee gudaha, oo ku jirto koox isku xidhka beesha caalamka, waxaannu kala shaqeynaynaa Somaliland si loo ogaado jawaabta lagama maarmaanka ah.

Loading...
Loading...