Waa kuma Aadan Madoobe, Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka?

0
Thursday April 28, 2022 - 09:24:29 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1379
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa kuma Aadan Madoobe, Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka?

    "Aadan Madoobe wuxuu muddo kooban ahaa ku simaha Madaxweynaha Soomaaliya"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Aadan Madoobe wuxuu muddo kooban ahaa ku simaha Madaxweynaha Soomaaliya"

Waxaa xalay saqdii dhexe teendhada Afisyooni loogu doortay guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Adan Maxamed Nuur (Adan Madoobe), kadib markii uu helay 163 cod, halka xildhibaan Xasan Cabdinuur oo ay isugu soo hadheen wareegga labaad uu helay 89 cod.



Doorashadan ayaa muddo soo jiitamaysay, iyada oo maalintii shalay ahayd uu dhawr jeer debedda u soo baxay muranka ka dhex taagan guddoonka doorashada.


Waxaana khilaafkaas oo u badnaa dhanka amniga uu soo shaacbaxay markii Madaxweynaha iyo Ra'iisal wasaaraha ayaa iska mari waayeen cidda sugaysa ammaanka goobta doorashada iyo xildhibaanna matalaya gobolka Gedo.


Ra'iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa doonayay in hawlgalka ATMIS uu gebi ahaanba sugo amniga teendhada, halka Madaxweyne Farmaajo uu doonayo in hawshaas looga dambeeyo ciidanka booliska Soomaaliya, si waafqasan heshiiskii 17-ka September


Dhanka kale, Taliyaha booliska Soomaaliya, janaraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa Talaadadii sheegay in ilaa iyo hadda aanay heyn liisaska dadka ka qeybgalaya doorashada guddoonka Golaha Shacabka isla markaana ay aheyd in liisaskaas loo soo gudbiyo maalin ama labo maalin ka hor.


Waxaa se khilaafkaasi soo dhammaaday gelinkii danbe ee shalay markii qaar ka mid ah madaxweynayaashii hore iyo musharrixiinta kale ee madaxtinnimadu hawsha galeen, iyada oo xildhibaannadii laga soo doortay Ceelwaaq iyo Garbahaarrey oo muran ka taagnaa aanay ka qayb gelin doorashada.


Musharaxiinta is diwaan gelisay oo markii hore ahaa 8-xubnood, waxaa tartanka isaga haray guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.


Xil. Sheekh Aadan Madoobe, Xil. Xasan Cabdinuur Xil. Aadan Saransoor, Xil. Cabdirashiid Maxamed Xidig, Xil. Shariif Maxamed Cabdalla, Xil Cabdillaahi Balaak, iyo Xil. Saadaq Cabdillaahi.


Sheekh Adan Madoobe ayaa wareeggii labaad ee doorashada tanaasulaad kaddib ay isugu soo hadheen Xil Xasan Cabdinuur oo ka guulaystay, sidaana xilka ugala wareegay guddoomiyaha kumeel-gaadhka ahaa Danjire Cabdisalaan Axmed Dhabancad.


Waa kuma Sheekh Aadan Madoobe?

Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku dhashay degmada Xuddur ee xarunta gobolka Bakool.

Aaden Maxamed Nuur Madoobe, waxa uu ku dhashay degmada Xuddur ee xarunta gobolka Bakool. Waxa uu horay u soo noqday Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Ururka RRA, ka hor inta uusan ku biirin Dowladdii KMG aheyd, isagoo soo noqday Wasiirka Cadaaladda iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka KMG ah, sannadihii 2007 ilaa 2010. Taas oo ka dhigan in markii labaad uu xilkan qabanayo.


Aadan Madoobe wuxuu muddo kooban ahaa ku simaha Madaxweynaha Soomaaliya, ka dib markii uu xilka iska casilay madaxweynihii hore ee Soomaaliya ee Cabdillaahi Yuusuf, 29 December 2008 iyada oo markii danbena 31kii bishii january 2009, Shariif Sheekh Axmed loogu codeeyay inuu noqdo madaxweynaha cusub.


Bilihii April iyo May 2010, waxaa soo shaac baxay khilaaf soo kala dhex galay Madoobe iyo Ra'iisal Wasaarahii wakhtigaas Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke. Khilaafkan ayaa ugu dambayn keenay in Madoobe uu iscasilo kadib markii baarlamaanka uu markii dambe uuu u codeeyay in xilka laga qaado.May 25, 2010, Shariif Xasan ayaa mar kale loo doortay guddoomiyaha baarlamaanka KMG ah, isagoo bedelay Madoobe.


Bishii January 2014, waxaa loo magacaabay Wasiirka Warshadaha iyo Ganacsiga oo u magacaabay Raysal Wasaare Cabdiweli Seekh Axmed.


Aadan Madoobe ayaa ka tirsanaa dhinaca mucaaradka, sida ay falanqeeyayaashu qabaanna taasi u sahashay in mucaaradkii u dhami u wada tanaasulo oo sidaa cod tiro ah ugu guulaysto guddoonka Golaha Shacabka.


Madaxda kala duwan iyo mucaaradka ayaa hambalyo u diray guddoomiyaha cusub. Doorashadan ayaa ka dhigan in muddo xaalka madaxtinnimada Soomaaliya ay ahayd mid hubanti la'aana ay hadda u muuqato in hawshaasi soo dhammaatay oo ay xigi doonta muddaynta doorashadii madaxtinnimada.


BBC

Loading...
Loading...