Wasaaradda Horumarinta Beeraha oo ka Hadashay Xaddiga Roobab ka Da'ay Gobollada Somaliland

0
Thursday April 28, 2022 - 09:13:03 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1265
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Horumarinta Beeraha oo ka Hadashay Xaddiga Roobab ka Da'ay Gobollada Somaliland

    Wasaaradda Horumarinta Beeraha oo ka Hadashay Xaddiga Roobab ka Da'ay Gobollada Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Horumarinta Beeraha oo ka Hadashay Xaddiga Roobab ka Da'ay Gobollada Somaliland


Hargeisa(HWN):-Wasaarada Horumarinta Beeraha Somaliland ayaa ugu baaqday Beeralayda dalka in ay ka faa,iidaystaan Roobka Guga ee dalka ka Curtay.


Agaasimaha guud ee Wasaarada Horumarinta Beeraha Aadan Cabdilaahi Muuse oo Warbaahinta la hadlay ayaa  tilmaamay in toddobaadkan dalka ku soo waajahan yihiin Roobab,isla,waxaana uu u soo jeediyay Beeralayda in ay kordhiyaan wax soo saarka.


Aadan Cabdilaahi oo Arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi ”Guud ahaan Roobkii Gugu ayaa bilaabmay, waxaannu doonaynaa in Beeralayda la wadaagno in sidii Saadaashu sheegtay ay Roobabkii Guga bilaabmeen,guud ahaan dalka Somaliland roobab aad fiicana ka da,een bishan 26 keedii Gobalada Gabeedka oo meelaha qaar kood xadi goodu aad u fiicnaa sida Boorama Hargeysa Gabilay Caynaba Gumburaha Wajaale Dila Magaalo Sheekh iyo Caada iyo Hara Sheekh,waxaana la saadaalinayaa toddobaad kan soo socda in Roobab fiican di doonaan Roobab xadigoodu aad u sarreeyo,oo u badan dhinaca bariga ilaa soddonka Bishan aynu ku jirno ilaa Bisha dambe shanteeda rajaynaynaa in aynu heli doono roobab”.

Sidoo kale Aadan Cabdillaahi ayaa waxa uu fariin u diray Beeralayda.Waxaana uu yidhi”Waxaana aanu ku baraarujinayaa Beeralayda in ay ka faa,iidaystaan Roobabka bilaabmay si ay wax soo saarkooda u kordhiyaan,waxaana aanu ku dhiirigalinayaa in ay tacabka kordhiyaan Beeralayda shacabka.waa in ay ka taxidiraan Roobabka oo keeni kara daadad iyo fatahaad,waxaana aanu usoo jeedinayaa Beeralayda Togaga ka durkaan si aanay dhibaato uga soo gaadhin daadadka”.

Loading...
Loading...