Aadan Madoobe oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Soomaaliya

0
Thursday April 28, 2022 - 02:45:11 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1151
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aadan Madoobe oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Soomaaliya

    Aadan Madoobe oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aadan Madoobe oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Soomaaliya


MUQDISHU(HWN):-Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha golaha shacabka ee Soomaaliya isaga oo helay codad gaadhaya 163 halka musharax Xasan Cabdi Nuur oo la tartamayey uu helay codad gaadhaya 89 cod.



Xildhibaan Xasan Cabdi Nuur ayaa hambalyeeyey guddoomiyaha cusub ee loo doortay golaha shacabka, isaga oo sheegay inuu ku qanacsan yahay habka doorashadani u dhacday oo uu ku sheegay inay tahay doorasho xor ah oo xalaal ah.

Guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka ayaa isla markiiba la dhaariyey isaga oo isla goobtii kula wareegay xilkii xafiiska guddoomiyaha golaha shacabka.

Aadan Madoobe ayaa hore u soo qabtay xilka afhayeenka baarlamaanka, intii u dhexeysay sannadihii 2007 illaa 2010. Sidoo kale wuxuu soo qabtay xilal wasiirnimo oo ay ka mid yihiin Wasaaradaha Caddaaladda iyo Ganacsiga.

Doorashada Guddoomiyaha ayaa soo dhamaatay 2:45 habeenimo, wakhtiga magaalada Muqdisho, waxaana loo ballamay in maalinta berri ah la sii amba-qaado doorashada guddoomiye ku xigeenada golaha.

Loading...
Loading...