Labo Musharrax oo ka Tanaasulay Wareegga Labaad ee Doorashada Guddoomiyaha golaha Shacabka

0
Thursday April 28, 2022 - 01:30:17 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1140
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Labo Musharrax oo ka Tanaasulay Wareegga Labaad ee Doorashada Guddoomiyaha golaha Shacabka

    Labo Musharrax oo ka Tanaasulay Wareegga Labaad ee Doorashada Guddoomiyaha golaha Shacabka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Labo Musharrax oo ka Tanaasulay Wareegga Labaad ee Doorashada Guddoomiyaha golaha Shacabka


Muqdisho(HWN):-Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur Saransoor iyo Xildhibaan Cabdullaahi Aadan Black oo kamid ahaa afarta xildhibaan ee usoo gudbay wareegga labaad ee doorashada guddoomiyaha barlamaanka ayaa ka tanaasulay tartanka doorashada sida ay shaaciyeen.



Labadan Xildhibaan ayaa sheegay inay u tanaasuleen Sheikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, waxayna xildhibaannada codka siiyay ugu baaqeen inay isbedel u horseedaan dalka.

Tanaasulkooda ayaa ka dhigan inay doorashada isugusoo hareen labada musharrax ee kala ah, Sheikh Aadan Madoobe oo wareeggii koowaad helay 74 cod iyo Xasan Cabdinuur oo helay 98 cod.

Labadan Musharrax ayaa wareegga labaad ku kala bixi doona codka hal dheerida ah, waxaana midkii soo baxa uu noqon doonaa Guddoomiyaha Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Loading...
Loading...