Riyo-raac Oo Warsaxaafadeed Uu Soo Saaray Ku Beeniyay In Xilkii Laga Qaadday

0
Wednesday April 27, 2022 - 17:32:20 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1088
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Riyo-raac Oo Warsaxaafadeed Uu Soo Saaray Ku Beeniyay In Xilkii Laga Qaadday

    Qoraal ka ayaa lagu beeniyay qoraal isla bogan lagu baahiyay galinkii hore ee maanta, qoraalkaas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoraal ka ayaa lagu beeniyay qoraal isla bogan lagu baahiyay galinkii hore ee maanta, qoraalkaas



Hargeisa(HWN):-Qoraal lagu baahiyay boga Guddida Doorashooyinka Somaliland, ayaa lagu sheegay in Guddoomiyaha guddida Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac), uu wali yahay guddoomiyaha guddida.



Qoraal ka ayaa lagu beeniyay qoraal isla bogan lagu baahiyay galinkii hore ee maanta, qoraalkaas oo lagu sheegay in guddoomiyaha guddidaas Cabdirashiid Riyo-raac laga qaaday xilkii guddoomiye-nimo isla markaana lagu badalay Kaltuun Sh Xasan Cabdi.

"Guddoomiyaha Koomiishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland, waxa uu beeninayaa, xil ka qaadista sharci darada ah ee lagu baahiyay baraha bulshada, isla markaana loo faafiyay si khaldan oo aan waafaqsanayn shuruucda uu koomiishanku ku shaqeeyo" ayaa lagu yidhi qoraalka lagu baahiyay boga guddida.

Qoraalka hore ee lagu sheegay in guddoomiye Riyo-raac la badalay, ayaa isla markii la baahiyayba laga saaray boga guddida, lakinse xubnaha xisbiyada mucaaradka u qaabilsan wada shaqaynta guddida ayaa warbaahinta u sheegay in Riyo-raac cod gacan taag ah oo Xubnaha guddidu u qaadeen Xilkii lagaga qaaday.
May be an image of text

Loading...
Loading...