Tababare Gattuso Oo Ka Tagay Milan Iyo Xavi Hernandez Oo Tababare Loo Magacaabay

0
Friday May 31, 2019 - 16:05:31 in News by
  • Visits: 2313
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tababare Gattuso Oo Ka Tagay Milan Iyo Xavi Hernandez Oo Tababare Loo Magacaabay

    Tababare Gattuso Oo Ka Tagay Milan Iyo Xavi Hernandez Oo Tababare Loo Magacaabay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababare Gattuso Oo Ka Tagay Milan Iyo Xavi Hernandez Oo Tababare Loo Magacaabay


Kooxda kubadda cagta AC Milan ee dalka Talyaaniga ayaa xaqiijisay inuu shaqada ka tagay macallin Gennaro Gattuso, kaddib 18 bilood oo uu kooxda leylinayay.

Xavi Hernandez


Gattuso iyo Milan ayaa ku kala tagay heshiis labada dhinac ay wada gaadheen, taasoo macnaheedu tahay in qandaraaski uu kooxda kula joogay oo ay hadda ka hadheen laba sano la baabi’yay.


Gennaro oo ka mid ah halyeeyadii kubadda cagta ee soo maray Milan, ayaa ku guuldarreystay xilli ciyaareedka horyaalka Talyaaniga ee todobaadki hore dhamaaday, inuu gaadhsiiyo kooxda kaalinta afraad.


Waxay Milan horyaalka Talyaaniga ee sannadkaan ku dhameysteen booska shanaad, taasoo keentay inuu shaqadiisa ku waayo.


Dhanka kalana, waxaa isna maanta shaqada ka tagay Agaasimihii Dhinaca Isboortiga ee kooxda AC Milan Leonardo, kadib marki uu isna ku guuldarreystay inuu Milan gaadhsiiyo kaalinta afraad.


Dhinaca kale Laacibki hore ee khadka dhexe ee Barcelona iyo xulka Spain Xavi Hernandez ayaa maanta loo magacaabay tababaraha cusub ee kooxda Al Sadd ee dalka Qatar.

Gattuso

Xavi, oo ah 39 jir ayaa u saftay kooxda Barcelona ilaa iyo 767 kulan halka uu xulka Spain u dheelay 133 kulan oo caalami ah, ka hor inta uusan u dhaqaaqin dalka Qatar sannadki 2015-ki, halkaas oo uu kusoo gaba gabeeyay waayihiisa ciyaareed.



Hadda wuxuu Xavi baddalayaa macalinka u dhashay dalka Portugal Jesualdo Ferreira, kaaso ka tagay Al Sadd marki uu xilli ciyaareedkan u qaaday horyaalkoodi 14-aad ee dalkaasi Qatar.

Loading...
Loading...