Madaxwayne Deni Oo Ka Horyimid Digreeto Uu Soo Saaray Axmed Karaash

0
Monday April 25, 2022 - 19:13:34 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1445
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwayne Deni Oo Ka Horyimid Digreeto Uu Soo Saaray Axmed Karaash

    "waxaan halkaan ku caddeynayaa in aanaysan dhaqangal ahayn wareegto kasta"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"waxaan halkaan ku caddeynayaa in aanaysan dhaqangal ahayn wareegto kasta"

Muqdisho (HWN) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay digreeto  uu soosaray Madaxwayne ku xigeenkiisu.



Deni oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa ka horyimid masuul uu xilka ka qaaday Axmed Cilmi Cismaan Karaash sida uu Madaxwaynuhu ku sheegay qoraalkan hoose oo uu baahiyay.


"Anigoo ah Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, dhawrayana masuuliyadda iga saaran illaalinta sareynta sharciga sida ku cad Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 80-aad, farqaddiisa 2-aad, fulinayana awoodaha Dastuuriga ah ee ku cad qodobka 80-aad, waxaan halkaan ku caddeynayaa in aanaysan dhaqangal ahayn wareegto kasta ee uu soo saaro Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland aniga oo ku sugan gudaha Dalka Soomaaliya.


Haddaba, waxaan farayaa dhammaan hay’adaha Dowladda in qofkastaa shaqadiisa qabsado, aanna loo hogaansamin wareegto kasta oo aan waafaqsaneyn Dastuurka iyo Qawaaniinta kale ee Dowladda Puntland sida ku cad qodobka 138-aad, farqaddiisa 2-aad ee Dastuurka Puntland"


Madaxwayne Denay ayaa lagu wadaa inuu utartamo madaxwaynaha Somaliya isagoo haatana olole ku saabsan doorashada madaxwayne nimo ee Somaliya ka wada Muqdisho


Waxaana jirtay in uu dhawaan Ku-xigeenkiisu uu shaaciyay in uu yahay Madaxwaynaha rasmiga ah ee Puntland.

Loading...
Loading...