Ujeedada Kulan Wasiir Maxamed Kaahin La Qaatay Masuuliyiin Ingiriiska Ka Socday

0
Monday April 25, 2022 - 16:19:23 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1367
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ujeedada Kulan Wasiir Maxamed Kaahin La Qaatay Masuuliyiin Ingiriiska Ka Socday

    "Kulankan waxaa Wasiirka kala qayb galay Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Kulankan waxaa Wasiirka kala qayb galay Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland"

Hargaysa (HWN) Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, waxaa uu Xafiiska ku qaabilay wakiilka Dawlada Ingiriiska u qaabilsan Somaliland, Ambassador Lizzia Walker oo ay wehelinayeen xubno ka socdey wakiilka Safiirka ee  Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

 

Wasiirka  Wasaaradda Arimaha Gudaha ayaa safiirka ugu xog-waramay xaalada guud ee amniga Jamhuuriyadda Somaliland iyo halka uu  marayo gurmadkii Suuqa Waaheen ee dhowaan ku gubtey dabkii ka kacay Suuqa Waaheen.

 

Wasiirka ayaa wakiilka gudoonsiiyey hadiyado kala duwan oo ku saabsan hidda iyo dhaqanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo astaamo kale oo ay ku xardhanyihiin Calanka Somaliland, iyada oo wakiilku si wayn ugu mahadnaqday Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed.

 

Kulankan waxaa Wasiirka kala qayb galay Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, Agaasimaha Guud ee dhinaca Amniga Wasaaradda Arimaha Gudaha Ibraahim Cali Ismaaciil iyo Lataliyaha Wasiirka ee dhinaca Hay’adda Siciid Yusuf Cabdi Siciid.

 

Xafiiska Warbaahinta Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL


Loading...
Loading...