Muxuu Yahay Qorshaha Muuse Biixi Diyaariyay ee Uu Muddo Kordhinta Ku Samaysanayo?

0
Monday April 25, 2022 - 16:04:37 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1659
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Yahay Qorshaha Muuse Biixi Diyaariyay ee Uu Muddo Kordhinta Ku Samaysanayo?

    "Qorshahan oo nuxurkiisu ahaa laba qaybood ayaa kala ahaa sidii golaha guurtidu"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Qorshahan oo nuxurkiisu ahaa laba qaybood ayaa kala ahaa sidii golaha guurtidu"

Hargaysa (HWN) Madaxweynaha muddo xileedkiisu sii dhammaanayo ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa muddooyinkii u dambeeyay diyaarinayay qorshihii uu ku heli lahaa muddo kordhin ugu yaraan laba sanno ah ka dib markii ay gabaabsi noqotay muddadii shanta sanno ahayd ee loo doortay ee shanta sanno ahayd.

 

Madaxweynaha oo dhawaan kulan la yeeshay guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamed Aadan ayaa la sheegay in hor-dhigay qorshe dhammaystiran oo muddo laga soo shaqaynayay sida ay ilo xog ogaal ahi u sheegeen Warbaahinta Qaar.

 

Qorshahan oo nuxurkiisu ahaa laba qaybood ayaa kala ahaa sidii golaha guurtidu uu muddo kordhin ugu samayn lahaa xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo sidii dib boodhka loogu jafi lahaa jeegaantii xisbiga KULMIYE ku soo caano maalay iyada la kala reebayo siyaasiyiinta bariga Burco ee ku hirdamaya sidii ay ku hanan lahaayeen kursiga uu hadda ku fadhiyo Madaxweyne Muuse Biixi ee ah guddoomiyaha xisbiga KULMIYE

 

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa Guddoomiye Saleebaan Maxamed Aadan u sheegay in uu kursiga guddoomiyaha xisbiga KULMIYE u soo xulo siyaasi ku haboon oo beeshiisa ah si loogu cumaamadu shirweyne dhawaan la qaban doono.

 

Dhan kale guddoomiye Saleebaan ayuu madaxweyne Muuse Biixi u soo jeediyay in kursiga guddoomiyaha golaha guurtida ee uu hadda ku fadhiyo uu doonayo in lagu wareejiyo wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ahn guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed oo ah masuulka wakhtigan ugu cadcad hanashada kursiga guddoomiyaha xisbiga xaakimka KULMIYE balse Madaxweyne Biixi ayaa la sheegay in uu damacsan yahay in waydaariyo.

 

Lama oga illaa sida ay arrimahani ugu suurta-geli doonaan Madaxweyne Biixi balse waa qorsheyaal la filayo inay si rasmi ah u soo shaac bixi doonaan bila innagu soo waajahan.


Loading...
Loading...