Ma Ogtahay: Qormo Taabanaysa Dhinacyo Kala Geddisan oo Nolosha Ah: Qsybta 3aad.

0
Monday April 25, 2022 - 09:35:26 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 897
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Ogtahay: Qormo Taabanaysa Dhinacyo Kala Geddisan oo Nolosha Ah: Qsybta 3aad.

    W/Q:Siciid Maxamuud Gahayr

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q:Siciid Maxamuud Gahayr

Ma ogtahay Ifris oo ah figta buureed ee adduunka ugu dheer loogu magac daray, ninkii koowaad ee ay u suutogashay in uu figtaas gaadho, isla markaana uu cabbiro dhererka figta. Ninkaasna la odhan jirey George Everest.



Ma ogtahay in aad maalintiiba indho la’dahay illaa 30 daqiiqadood !!!!, ha moodin wax kale, 30kaas daqiiqadood waa ilbidhiqsiyada aad indhaha kolba isku qabanaysid.


Ma ogtahay in Sir Isac Newton uu yahay Saynisyahankii daahfuray cufisjiidadka dhulka, Xisaabta kalkulaska, iyo waliba saddex xeer oo khuseeya socodka walxaha, xeerarkaas oo loo bixiyay xeerarka socodka walxaha ee Newton.


Ma ogtahay in Cismaan Binu Cafaan lagu naanaysi jirey "Du nuureyn”, ama kii labada nuur lahaa, waxaana taas loogu bixiyay waxa uu nasiib u helay in uu guursado laba hablood oo uu Nabi Maxamed SCW, uu dhalay.

Ma ogtahay in uu Macaad binu Jabal ahaa Saxaabigii, u cilmi badnaa asxaabta rasuulka marka laga hadlayo xalaasha iyo xaaraanta ama culuumta fiqhiga, sidaas na waxa caddeeyay Nabi Maxamed SCW.


Ma ogtahay in uu ilmada indhaheenna ku jiro Enzyme loo yaqaanno Lysozyme kaas oo ilaaliya indhaha, baabiiyana xayawaannada ili ma aragtayga ah ee indhaha gala, xayawaannadaas oo ay ka mid yihiin bakteeriyada iyo fayrasku.

Ma ogtahay in ururka Qaramada Midoobay lagu dhisay magaalada Sanfransisco oo ku taalla Maraykanka, sanadkii 1945.


Ma ogtahay in ninkii u horreeyay ee dastuur sameeyaa uu haa nin Giriig ah oo magaciisa la odhan jirey Xamuraabi.

Ma ogtahay in ay dhammaan walxaha cirka laga soo tuuraa, ay dhulka ku soo wada gaadhi lahaayeen waqti isku mid ah hadii aanu jirin Caabbiga hawadu, walxuhu ama dhagaxaan ha ahaadeen ama waraaqo ha noqdeene.


Ma ogtahay in ururkii Sahnuuniyadda adduunka ee ujeeddadiisu ahayd in ay Yuhuuddu qabsato Falastiin, lagu aasaasay magaalada Balse ee waddanka Switzerland sannadkii 1897. Waxaana mabda’aas taageeray 1917kii wasiirkii arrimaha dibadda ee Ingiriiska Balfour kaas oo ahaa Yuhuudi haysta dhalashada Ingiriiska.


Ma ogtahay in Nabiyada afar ka mid ahi ay Carab ahaayeen afartaas Nabi oo kala ah, Huud Calayhi salaam, Saalax Calayhi salaam, Shucayb Calayhi Salaam iyo Nabi Maxamed Sallallaahu Calayhi wasallam.


Ma ogtahay in Nabi Suleymaan uu Ilaahay siiyay awood aanu siinin cid kale, waxaanu Nabigaas Ilaahay u sakhiray dabaysha iyo shayaadiintuna oo ahaa qaar u adeega isaga. Waxa uu fahmi jiray hadalka nooleyaasha kale sida qudhaanjada.


Ma ogtahay in 17ka October Somaliland looga aqoonsan yahay maalinta shuhadada, iyada oo ku beegan 17/October/I984.Maalintaas waxa Burco-duurray ka dhacay dagaal aad u qadhaadh oo dhex maray SNM iyo Dawladdii Maxamed Siyaad Barre, waxaana goobtaas ku geeriyooday tiradii u badnayd ee SNM ahayd ee meel ku wada geeriyoota, waxaana dadka maalintaas dhintay ku jirey Mujaahid Lixle. Sannadkan 2018ka ayuu Madaxweynaha Somaliland u asteeyay maalinta halgemayaasha waxaana la xusi doonaa halgannadii kala geddisnaa ee illaa Daraawiishta soo taxnaa.


Ma ogtahay in dagaalkii Adwa uu ahaa meeshii koowaad ee Afrikaan u ku jabiyo reer Yurub. Sanadkaas oo ay taariikhdu ahayd 1896kii, Ethopia ayaa jabisay Talyaaniga oo rabay in uu qabsado dhulkeeda.


Ma ogtahay in badda ama harada ugu dhanaanka badan harooyinka adduunka ka jiraa, ay tahay Dead Sea ama badda dhimatay taas oo ku taalla wadanka Jordan. Sidoo kale baddaasi waa meesha ugu joogga hoosaysa adduunka.


Ma ogtahay in Somaliland ay tahay wadnaka 131aad ee ugu dadka badan dalalka adduunka, oo ay ku noolyihiin 3500 0000(Saddex Milyan iyo Shab Boqol oo kun) oo qof, isla markaasna ay ka dad badan tahay 133 waddan oo caalamka ka mid ah.


Ma ogtahay in Jasiiradda ugu ballaadhan jasiiradaha aduunka ku yaallaa in ay tahay Jasiiradda Greenland, taas oo hoos timaadda maamulka wadanka Holland.


Ma ogtahay in qofkii koowaad ee Afrikaanka ahaa ee ku guuleysta billad sharafeedka caalamiga ah ee nabaddu, uu ahaa Baadarigii Koonfur Afrika ee Desmond Tutu, kaas oo billadda ku helay ka soo horjeedsigiisii siyaasaddii midab-kala-sooca ee South Afrika ka jirtay.


Ma ogtahay in buurta ugu dheer Somaliland ay tahay Surad oo ku taalla Gobolka Sanaag, gaar ahaanna caasimaddiisa Ceerigaabo.


Ma ogtahay in aysiidha caloosheenna ku jirta (hydrochloric acid) ay awood u leedahay in ay miis bir ah ku burburiso muddo shan daqiiqo ah marka ay la falgasho. Laakiin waxa inaga celiya axalka oo ah dareere ku gedaaman guudka caloosha oo siibsiibanaya.


Ma ogtahay in lafaha ugu yaryar ee jidhkeenna ku jiraa ay yihiin lix ay saddexba ku jiraan dhegta midig iyo dhegta bidix.


Ma ogtahay in haddii xididdada dhiigga ee qofka ku jira uu dhererkoodu ku soo laablaamyo adduunka haddii la isku xidho tiftaaf, halbawle iyo arooreba. Waxa uu Alle ugu talo-galay in aanu socodka dhiiggu cidhiidhi gelin.


Ma ogtahay in beedka gorayadu uu yahay unugga ugu weyn ee noole leeyahay. Unugyada ugu yaryar waxa leh ‘mycoplasm’ oo ah xayaawan bakteeriya-u-eke ah oo sababa qaar ka mid ah xanuunnada ku dhaca habdhiska neefsashada.


Ma ogtahay in Abwaan Xasan Sheekh Muumin uu yahay hal-abuurkii sameeyay heesta Calanka Somaliland.

Ma ogtahay in qaybta ugu ballaadhan ee maskaxda bani-aadamka oo loo yaqaanno Cerebrum oo xukunta xasuusta, xirfadaha la barto, maskax-badnaanta awoodda sabababayneed iyo hawlo kale ay u qaybsanto laba qaybood oo ah midig iyo bidix. Qayba midig ee maskaxdu waxay xukuntaa dhaqdhaqaaqa qaybta bidix ee jidhka, halka qaybta bidix ee maskaxduna waxay xukuntaa qaybta midig ee jidhka.


Dadka waxa inta badan waxa awood badan qaybta bidix ee maskaxdooda, sidaas ayay midigta wax ugu cunaan, dhagaxa ugu tuuraan, ugu feedhtamaan, kubbaddana ugu laadaan lugta ama gacanta bidix… Tiro kooban oo dadka ah ayay xooggan tahay qaybta midig ee maskaxdoodu, sidaas ayay bidixda ugu adeegsadaan feedhka, dhagax-tuurista, qorista, kubbad-laadista IWM waana sababta loogu bixiyo Gurey, Bidixo.


Dhammaad...

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...