Midawga Yurub oo gacan ka gaysanaya soo kabashada dadkii ku caydhoobay gubashadii Waaheen

0
Sunday April 24, 2022 - 11:52:19 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1251
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midawga Yurub oo gacan ka gaysanaya soo kabashada dadkii ku caydhoobay gubashadii Waaheen

    Haddaba Midawga Yurub waxa ay balan qaadeen tobanaan kun

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haddaba Midawga Yurub waxa ay balan qaadeen tobanaan kun



Midowga Yurub ayaa shaaca ka qaaday in ay gacan ka gaysanayaan soo kabashada dadkii ku caydhoobay gubashadii suuqa Waaheen.


Haddaba Midawga Yurub waxa ay balan qaadeen tobanaan kun oo dollarka Maraykanka ah oo ay ku taageerayaan wax ka qabashada musiibadii ka dhacday suuqa ugu weyn ee Waaheen, kaas oo horanta bishan dab qabsaday oo gabi ahaanba baabi’iyay suuqa.



Adduun dhan €100,000 oo Yuuro ayay balan qaadeen Midawga reer Yurub waana lacag u dhiganta $108,000.


War kasoo baxay Midawga Yurub waxa lagu sheegay in mashruucan taageerada ah ay wadi doonaan muddo afar bilood ah iyadoo ay kala shaqyan doonaan fulintiisa hay’adda Laanqeerta Cas.


Waxa ka faa’iidyasan doonaa qoysas dhan 500 oo qoys oo ah dadkii ku tabaaloobay suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa.

Loading...
Loading...