Xantii Fule Ma Moogee, Xukumado Xanaaq Dhaw, Xisbiyado Xajiin Badan, Ayaa Kala Xadayn Kara
BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM [A.S.C.W.R.W.B]
TU KHAAS AHAN BAHDA H/W IYO AKHRISTAYAASHA.
1-XUKUMADO XANAAQ DHAW,XISBIYADO MUCAARIDA,
XISAABTOODI MURUGTE,XAAJO HADAL INTAY TAHAY,
XURGUFTAN U DHEXSIYO,XEERKA BAADHA URURADA,
XAMAR XAALKUYU NOQON,XALU RAADSHA GUURTAY.
2-XANIYO DHAAFTAY CABASHO,XINIINYAHA LA FUULAYE,
XADHKAA GOOSAY MURANKIYE,XAKAMEEYA OO XIDHA,
XIDHIIDHADENA DUNIDIYO,XISBIYADAA LA FURAYAADU,
XANAAQA BAY ABUURTAYE,XEER SAMEEYA KALA HAGA.
3-XEEGO XEEGO HA NOQOTO,QOONANA AYNU XAGANE,
XEELADEENI GEEDKIYO,XULA ODAYADI XEERBEGTIDAHA,
TALO XAGAL KA DAACDIYO,XUMAAN LOOMA BAAHNEE,
XOOJIYA WADAJIRKEENO,XIGMADAHAW ADEEGSADA.
4-XAQAA LOO GARGAARA,XULAD NAAR AH LAMA SHIDO,
XASHIISH HADDAAD GURAYSO,XARAGADA HA MOGAN,
XADANTAYNTA DOOGTIYO,XANAF HADAL LEH JOOJOO,
XOQA KA DAAYA NABARADA,IYO XAAFAD KALA SHEEG.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!