Ujeedada Safar Raysal Wasaare Rooble Ugu Baxayo Dalka Switzerland

0
Sunday April 24, 2022 - 10:53:39 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1016
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ujeedada Safar Raysal Wasaare Rooble Ugu Baxayo Dalka Switzerland

    "xaaladda bini'aadannimo ee dalka ka jirta ee ka dhalatay abaaraha ba'an"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"xaaladda bini'aadannimo ee dalka ka jirta ee ka dhalatay abaaraha ba'an"

Muqdisho (HWN) Ra’iisul Wasaaraha Somaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir la sheegay in uu qaadanayo hal maalin ugu baxayo dalka Switzerland, halkaasi oo uu kaga qayb geli doono shir lagaga hadlayo arimaha abaaraha sida lagu sheeqay qoraalkan hoose oo uu baahiyay xafiiska raysal wasaare Rooble.

 

"Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta safar hal maalin qaadan doona ugu amba baxay Magaalada Geneva ee dalka Switzerland,halkaas oo uu uga qeyb galayo shir caalami ah oo ku saabsan abaaraha ba’an ee ka jira Geeska Afrika, si gaar ahna diiradda loogu saarayo xaaladda abaarta ee ka jirta Somalia.



kulankan oo ay ka soo qeyb gali doonaan madax sarsare iyo wasiirro ka kala socda dalalka deeq bixiyaasha ah ayuu Ra'iisul Wasaaruhu ka jeedin doonaa khudbad ka turjumaysa xaaladda bini’aadannimo ee dalka ka jirta ee ka dhalatay abaaraha ba’an ee dalka ku dhuftay.


Ka qeyb galka Ra’iisul Wasaaraha ee Shirka Geneve ee arrimaha abaaraha, xilli ay gebogebo mareyso howsha doorashada ee uu hormuudka u yahay,  ayaa muujinaya sida ay uga go’an tahay in indhaha Beesha Caalamka lagu soo jeediyo xaaladda abaareed ee dalka ka taagan si loogu gurmado shacabka Soomaaliyeed ee tabaaleysan.”

Loading...
Loading...