Shaqo La'aan Soo Foodsaartay Gaadiidka Waawayne Ee Dekada Berebra Ka Shaqeeya

0
Sunday April 24, 2022 - 10:44:54 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1212
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shaqo La'aan Soo Foodsaartay Gaadiidka Waawayne Ee Dekada Berebra Ka Shaqeeya

    "Gaadiidka waaweyn ee shacabku ku shaqaysto qaarkood 6 bilood hal lawdh may qaadin"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Gaadiidka waaweyn ee shacabku ku shaqaysto qaarkood 6 bilood hal lawdh may qaadin"

Hargaysa (HWN) Xoghayaha arimaha Bulshada ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani  Maxamed Sidiiq ayaa sheegay in gaadiidkii waawaynaa ee badeecadaha ka soo guri jiray dekeda Berbera ay ku habsatay shaqo La’aan.



Xoghayaha ayaa qoraal uu kaga hadlayo arinkaasi oo uu baahiyay uqoray sidan:-

 

"1,700 oo Gaadiidka xamuulka Dekedda Berbera badeecadaha ka soo gura  ayaa ku jira xaalad shaqo la’aan adag, Ganacsatada waaweyni waxay ku rartaan badeecadahooda Gaadiid ay leeyihiin, heshiiskii ahaa 20% Badeecadaha ay la soo degaan Ganacsatadu in ay rartaan, 80% Gaadiidka shacabku ka dheefo meesha wuu ka baxay xoogsiga iyo in kala macaashkii ma jiro. Gaadiidka waaweyn ee shacabku ku shaqaysto qaarkood 6 bilood hal lawdh may qaadin, waa xaalad u baahan in Xukuumaddu farageliso si loo ilaaliyo wada noolaanshaha danyar iyo taajir. waajib waxa ah in la kala xadeeyo Ganacstada xooga weyn iyo masaakiinta xoogsatada ah !”Xog- Maxamed Sidiiq.

Loading...
Loading...