Xildhibaan Kim Johnson oo Barlamaanka Ingiriiska ku soo bandhigtay Qadiyadda Somaliland

0
Sunday April 24, 2022 - 08:56:36 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1317
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Kim Johnson oo Barlamaanka Ingiriiska ku soo bandhigtay Qadiyadda Somaliland

    Xildhibaan Kim Johnson oo Barlamaanka Ingiriiska ku soo bandhigtay Qadiyadda Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Kim Johnson oo Barlamaanka Ingiriiska ku soo bandhigtay Qadiyadda Somaliland




Hargeisa(HWN):-Xildhibaan Kim Johnson oo ka tirsan Baarlamaanka Boqortooyada Midowday, ayaa fadhi uu Golahaasi yeeshay shalay kaga hadashay doorka Dawladda Ingiriisku ee xoojinta xidhiidhka labada waddan iyo taakuleynta dowladda Ingiriiska ee Masiibada Suuqa Waaheen.



Xildhibaanka oo laga soo doorto degmada Liverpool, ayaa sheegtay inay khasaaraha soo gaadhay suuqa gubtay ee Waaheen ka warraysatay Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan magaalada Liverpool, waxaanay ku baaqday in dowladda looga baahan yahay sidii ay taakulo dhaaqaale iyo mid farsamba ku taageerto Somaliland.

Xildhibaan Kim Johnson waxay sheegtay inay jeclaan lahayd in madaxda dalka Ingiriisku ay ka hadlaan sida hay’adda gargaarka caalamiga ah u qaabilsan UK ee DFID ku caawin karayso Somaliland.

Waxa ay xildhibaanku Madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Inigiriiska ugu baaqday inay aqoonsi diblomaasiyadeed siiyaan Somaliland, si ay dhiirri-gelin ugu noqto dedaallada ay ugu jiraan hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda iyo horumarka.

Kim Johnson ayaa Kursiga loo doortay sannadkii 2019-kii, waxaanay ka tirsan tahay xisbiga Shaqaalaha (Labour Party) ee UK, iyadoo xubin firfircoon ka ah Guddi-hoosaadyada arrimaha haweenka iyo Tacliinta ee Baarlamaanka UK. Xildhibaanka ayaa sidoo kale ka tirsan la-taliyeyaasha gaarka ah ee Guddoomiyaha Aqalka Golaha Wakiillada (House of Commons) ee Baarlamaanka UK.

Hadalka xildhibaanka ayaa ku beegmay toddobaaddo kaddib markii sidan oo kale ay xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Baarlamaanka Maraykanku ay dowladdooda ugu baaqeen inay Aqoonsi diblomaasi siiso Somaliland isla markaana kor loo qaado meeqaamka xildhiidhka u dhexeeya labada dal.

Loading...
Loading...