Wasiir Maxamed Kaahin Oo Kulan La Yeeshay Golaha Deegaanka Hargaysa

0
Saturday April 23, 2022 - 17:11:46 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1218
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Maxamed Kaahin Oo Kulan La Yeeshay Golaha Deegaanka Hargaysa

    "Nashqadaynta Suuqa Waaheen Oo Ay La Wareegtay Wasaarada Hawlaha Guud"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Nashqadaynta Suuqa Waaheen Oo Ay La Wareegtay Wasaarada Hawlaha Guud"

Hargaysa (HWN) Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa kulan la yeeshay Xildhibaanada Golaha Degaanka Caasimada Hargeysa, kulankaasoo  ka qabsoomay Xarunta Wasaaradda Arimaha Gudaha.



Kulankan waxaa diirada lagu saaray dardar gelinta wejiga labaad ee Suuqa Waaheen, iyada oo la bilaabayo Nadiifinta Suuqa iyo socodsiinta hawlaha kale ee baahaxada leh, taasoo ay ku jirto naqshadaynta Suuqa Waaheen, kaasoo loo xilsaaray Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryaynta  Jamhuuriyadda Somaliland.


Wasiirka ayaa ka waramay in dhibaatada ka dhacday Suuqa Waaheen ay tahay masuuliyad Wadareed wada saaraan Xukuumadda, Dawladda Hoose iyo shacabka Somaliland, waxaa keli ah ee lagaga bixi karaana ay tahay midnimo iyo isku duubni,iyada oo aan la is eedaynayn, cid gaarina aanay qaadanayn masuuliyada.


Wasiirka ayaa Xildhibaanada u sheegay in ay hawshan si dhow uga wada shaqaynayaan Dawladda Hoose, Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryaynta iyo Wasaaradda Arimaha Gudaha.


Golaha Degaanka ee Caasimada Hargeysa, waxaa hogaaminayey Maayor Caasimada Cabdikariim Axmed Mooge oo ay wehelinayeen Maayor Ku  xigeenka iyo Xogyaha Fulinta ee  Dawladda Hoose.


Kulamo lagu dardar gelinayo Nadiifiinta iyo naqshadeynta Suuqa Waaheen ayaa sii socon doona.


ALLAA   MAHAD LEH

Loading...
Loading...