Mayor Mooge Meelo Uu Ka Shabaho Eng Maxamed Xaashi Cilmi.

0
Saturday April 23, 2022 - 09:42:47 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1170
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mayor Mooge Meelo Uu Ka Shabaho Eng Maxamed Xaashi Cilmi.

    W/Q: Mohamed Abdi Jama

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Mohamed Abdi Jama

Eng Mohamed Hashi Elmi ayaa lagu tilmaamaa qof kali socod ah sidoo kale ay ku jirto hami wanaagsan oo ahaa in uu dadkiisa iyo dalkiisa wax u qabto waxaana ay isku seegeen maamuladii uu la soo shaqeeyey ee Cigaal , Rayaale & Siilaanyo danta dalka iyo dadka.



Waxa aan xasuustaa xiligii xukuumadii Rayaale markii xilka laga qaadey Eng Maxamed Xaashi oo ahaa wasiirka ganacsiga ayaa waraysi siiyey idaacada BBC Somali 2004, habeenkaasi waxa aanu daawashadeeda sugaynay ciyaar kama dambaysta ciyaaraha champions league Deportivo la coruna Vs Monacco 2003/2004.


Waxa uu wareysiga uu bixiyey ku yidhi meesha umad baa loo shaqeynayaa xukuumaduna waxa ay been ka sheegtay miisaaniyada qaranka oo xadiga ay golaha keentay mid ka badan ayey ahayd odorosku ana waxa aan qaybiyey waraaqo tilmaamaya dakhligii dalka soo galay oo la igu qoonsaday.


Siilaanyo ayaa maalintii dambe hadlay oo Eng Maxamed Xaashi ku yudhi , baribaa beesha Akishe lagala hadhi waayey gaalo ka hadheen , dabadeedna Sheekh Cumar Warfaa baa yidhi Alle mahadii mar hadii aanaan gaalada raacin , waxa aan uga socdaa hadii lagu yidhi waad naga feker duwanaatay Alle ayaa kaa reebay ee ku mahadnaq.


Xukuumadii Axmed Maxamed Siilaanyo oo uu Eng Maxamed Xaashi xil ka qabtayna isla sidii oo kale ayaa xilka lagaga qaadey , waxaana lagu qoonsaday lacag kasta oo dalka soo gasha wasaarada maaliyadu waa in ay ogaato , xiligaasi waxa ay isku marmeen wasiirkii macdanta oo madaxwayne Siilaanyo ka lib haystay.


Haddaba Mayorka Caasimada xiligiisii ugu horeeyey waxa uu laba xil oo wasiir ku xigeen ka qabtay Xukuumadii Axmed Siilaanyo markii uu la shaqeyn kari waayeyna waxa ay noqotay in uu ka tago oo nidaamku tufo.


Maanta ha noqoto ama mardambeba e hadii uu waayo xulafo la aragti ah isla markaana si wax ula wada waxa aan hubaa in xukuumada joogtana aanay la shaqeyn doonin , isaguna aanu ku sii dhex jiri doonin oo uu nidaamku tufi doono , markii aan eegay mudooyinkan dambe hadal haynta jirta iyo af-gaabnida mayorkana waxa ii soo baxday in uu culeys saaran yahay laakiin oo doorbiday in uu dhulka is dhigo si aanay ugu dhicin in uu meesha isaga cararo.


Markaa qofwaliba oo wata aragti siyaasadeed oo dadka ka feker duwan waxa uu marayaa imtixaan adag oo hadii uu ka gudbona uu noqon doono hogaamiye umadeed oo isbadel keena hadii uu ka gudbi waayona uu noqdo mid la dhiban waxa dalkiisa ka socda oo aan waxba ka qaban karin.


Mohamed Abdi Jama

Mohamed Dhimbiil

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...