Gobanimadu Waa U Dhalasho.

0
Saturday April 23, 2022 - 09:05:00 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 690
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gobanimadu Waa U Dhalasho.

    WQ Farax Ayaanle Dayaxweerar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WQ Farax Ayaanle Dayaxweerar

Waxa aan fadhiyey kaabad ku taalla badhtamaha suuqa wadhatada ee ay hadda soo degeen ganacsatii suuqa Waaheen, aniga oo iska dhigaya in aan wax ka iibsanayo gabadh aan u kuurgalayo xaaladeeda nololeed oo duruufi ka muuqatay si aan wuxuun uga caawin karo.



Hal mar ayuu soo istaagay, isagoo wada kaaryoon culus oo uu ku sido maryaha xaraashka ah, ama la yidhaa "Huudhaydh” nin naga xigay dhanka bidixda oo ay is garanayeen, ayaa ku yidhi "Waar hebel maxaad uga soo dhaqaaqdey booskaagii, ee halkan ku keenay? Wuxuu ugu jawaabay "Cadceedda ayaan taagnaan kari waayay oo hooskan baan naf soo moodey. Oo meeday dallaayaddaadii, ayuu mar kale ku celiyey? Wuxuu ugu jawaabay hadal markiiba soo jiitey dhegahayga, oo aan jidhidhicoodey iskuna dayay inaan dareenka maqalka xaggiisa u jeediyo, wuxuuna yidhi " Gabadhaas muuska iibinaysa ee halkaas fadhida ma aragtaa? Iyadaan siiyay dallaayaddaydii oo iga daran, waxa aan arkay in ay u adkaysan kari wayday cadceedda dhacaysa”!


Isagoo hadalkiisii sii wata, ayuu yidhi "Anigu nin baan ahay, waanan caafimaad qabaa oo cadceedu waxba i yeeli mayso, waanan guurguuri karaa oo kolba meel baan istaagi karaa, balse iyadu ma socon karto oo iyadaa iga daran, waanay sooman tahay, soon ay duruufi u dheer tahay! Waxa uu intaas ku daray: anigu waxa aan is idhi raggaas saaxiibadaaya cidhiidhso oo maalinba mid la hadh gal!


Cajiib, xaggiisa ayaan hal mar usoo jeestey, waxaanan ku idhi "Wax wacan baad samaysay, ii sheeg magacaaga iyo lambarkaaga, waxaanan ku daray dadkii aan ugu talogalay in aan dallaayadaha iyo kaaryoonlayaasha siiyo ee ay lacagtooda soo bixiyeen wiilal muxsiniin ah oo lacag iigu soo hagaajiyey si aan dadka ugu caawinno.


Ninkaasi garasho aad u heersarraysa ayuu lahaa, waana aabbe korsada carruur uu noloshooda ka soo saaro huudhaydhkaas uu suuqa dhexdiisa la wareego! Sababta aan sheekada idiinla wadaagay waxa ay tahay uun in aan idin ogaysiiyo in dadkeennu goorkasta iyo baahi kasta ay yihiin kuwii is caawiya.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...