Loollanka Farmaajo Iyo Raysal Wasaaraha: 3 Qoddob Oo Farmaajo Lagaga Adkaaday.

0
Saturday April 23, 2022 - 08:58:30 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 782
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Loollanka Farmaajo Iyo Raysal Wasaaraha: 3 Qoddob Oo Farmaajo Lagaga Adkaaday.

    W/Q: Cali Cabdi Coomay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cali Cabdi Coomay

Waxa weli geesaha iskula jira labada nin ee ugu awoodda badan xukuumada Farmaajo ee dawladda Soomaaliya. Dhawr heer ayuu soo maray khilaafku oo marba weji lahaa, waxa se ugu dambeeyey 3 xaaladood oo Farmaajo lagaga gacan sareeyo. Kuwaasi oo kala ah:



= Caydhintii ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiyey Soomaaliya, oo uu Raysal wasaaruhu go’aanka ku gaadhay inuu dalka ka baxo, oo ay midowga Afrik soo beddelaan. Arrintan waxa markiiba ka horyimid madaxweyne Farmaajo oo sheegay inuu yahay go’aan shakhsi qaatay oo aanu qaranku qaadan. Midwoga Afrika ayaa markii hore diiday dalabka Raysal wasaaraha. Hasayeeshee markii ay hawlihii ergaygu dhaqaaqi waayeen ayey midowga Afrika go’aansadeen inay soo beddelaan.


Halkaasi waxa guuldarro kala kulmay Farmaajo

= Fahad Yaasin oo Xildhibaannimadiisii bohol ku dhacday: Fahad Yaasiin oo ahaa shakhsi saameyn badan oo weliba awood badan, waxa isugu tegay Raysal wasaaraha iyo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer Fadaraal, waxaanay ka saareen liiskii xilidhibaannimo, si aanu ugu tartamin kursiga guddoomiye ku xigeenka golaha shacabka. Waana jabkii labaad ee Farmaajo soo gaadha. Dhawaan ayuu calaalay.


= 16-ka Kursi ee loo wareejiyey Ceel-waaq: deegaankii uu u dhashay madaxweyne Farmaajo gaar ahaan Garbahaaray 16 kursi oo uu Farmaajo xisaabta ku darsaday inuu gacanta ku dhigo ayey guddiga doorashooyinka u wareejiyeen Ceelwaaq. Wareejinta 16 krusi waxa ka soo shaqeeyey afarta nin ee jiibta iyo jaanta isla helay ee Farmaajo dagaalka tooska ah kula jira. Waa Rooble, Deni, Axmed Madoobe iyo Muuse Geelle.


Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...