Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Oo kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee Garsoorka dalka.

0
Friday April 22, 2022 - 23:54:44 in News by A. Asbaro
  • Visits: 906
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Oo kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee Garsoorka dalka.

    Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Oo kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee Garsoorka dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Oo kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee Garsoorka dalka.



Hargeisa(HWN):-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Aadam Xaaji Cali Axmed oo ay wehelinayeen qaar ka mid ah garsoorayaasha Maxkamadda Sare, Xubno ka tirsan guddida cadaaladda, guddoomiyayaasha Maxkamada Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex, Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, Maxkamadda degmada Hargeysa, Ku xigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud ee Gobolka Maroodi-jeex, guddoomiyaha Ururka garyaqaanada ee SOLLA, guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo qaar kamid ah hal-doorka bulshada ayaa caawa kulan afur iyo casho ah la qaatay badi garsoorayaasha, xeer-ilaaliyayaasha iyo qareenadda ka hawl gala Gobolka Maroodi-jeex.
Guddoomiyaha Maxkamada Sare Ee Somaliland oo Shaqadii Ka Joojiyay Garsoore Ka Tirsan Maxkamadda Degmada Maydh – HargeisaPress


Ujeedada kulanka ayaa ahayd is xog waraysi guud oo la xidhiidha hawlaha ay bahda Garsoorku qaranka u hayaan iyo xoojinta wada shaqaynta iyo iskaashiga ka dhaxeeya dhinacyada kala duwan ee garsoorka.

Sidoo kale, qayb ka ahayd is cafinta iyo isku lab-xaadhnaanta maadaama lagu jiro bishii barakaysnayd ee Ramadaan taasi oo khayr badan iyo wanaagba uu ku duuggan yahay.


Loading...
Loading...