Farmaajo Oo Ka Hadlay Doorashada Gedo Oo Uu Saluug Ka Muujiyay

0
Friday April 22, 2022 - 20:05:13 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 851
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo Oo Ka Hadlay Doorashada Gedo Oo Uu Saluug Ka Muujiyay

    "Qof lagu soo doortay hannaan khilaafsan heshiisyada doorashooyinka"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Qof lagu soo doortay hannaan khilaafsan heshiisyada doorashooyinka"

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweyne Farmaajo ayaa lagu sheegay in doorashooyinka isbarbar socoda ee Garbahaareey iyo Ceelwaaq ay yihiin "kuwo baal marsan" habraacii doorashada ee ay ansixiyeen baarlamaanka Soomaaliya.

 

Warkaan ayaa madaxweyne Farmaajo ku codsaday in la xushmeeyo heshiiska 17 kii Sebteembar iyo habraacyadii ku lifaaqnaa ee ay ansixiyeen Golaha Wadatashiga Qaran.

 

Wareegtada ayaa lagu yiri: "Qof lagu soo doortay hannaan khilaafsan heshiisyada doorashooyinka iyo Xeerka Lambar. 30 ma yeelan karo xuquuq lamid ah xildhibaannada lagu soo doortay hab waafaqsan heshiiskii 17ka Sebteembar 2020.”

 

Maanta ayaa doorasho ka dhacday degmada Ceelwaaq waxaa markii ugu horeysay lagu doortay qaar ka mid ah kuraastii taalay gobolka Gedo.


Loading...
Loading...