Hoggaamiyaha TPLF " Dulqaadkii ayaa naga dhammaan raba"

0
Friday April 22, 2022 - 01:26:21 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1303
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hoggaamiyaha TPLF " Dulqaadkii ayaa naga dhammaan raba"

    Debretion waxa kale oo uu sheegay in shacabkoodu haysato macaluul middii u darnayd, dowladduna

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Debretion waxa kale oo uu sheegay in shacabkoodu haysato macaluul middii u darnayd, dowladduna



Hargeisa(HWN):-Hoggaamiyaha TPLF Debrtsion oo warqad udiray Qaramada midoobay, ayaa waxa uu sheegay in Shacabka Tigray aysan wali helin waxyaabo badan oo kamid ah nolosha aasaasiga ah, sida Biyaha, Korontada iyo waxyaabaha lamidka ah.



Debretion waxa kale oo uu sheegay in shacabkoodu haysato macaluul middii u darnayd, dowladduna aysan wali arrimahaas aysan waxba ka qaban, oo ay xaaladda sidaas ku daawanayso.

Sidoo kale Debretsion waxa uu xusay in ka bixitaankoodii ay ka baxeen dhulkii ay haysteen, ay ahayd mid lagu doonayay in wax lagaga qabto dhibaatooyinka kala duwan ee ka jiray gudaha Tigray, balse wali wax la qabtay aysan jirin, sidaas darteed intaa in ka badan aanan dulqaadan doonin, waa siduu hadalka u dhigay Debretsion Hoggaamiyaha TPLF.

Gobolka Tigray ayaa wali u muuqda mid aan kasoo kaban colaaddii uu keenay dagaalkii mudada dheer halkaa kasocday, dowladda ayaa dhankeeda waxay sheegtay in gargaar kala duwan la gaarsiiyay Gobolka Tigray.


Loading...
Loading...