Faallo: Madaxweyne Muuse Biixi, Kaahin iyo Xaashi Iyama Ayuu Jar uga Talaabsanayaa?

0
Thursday April 21, 2022 - 22:45:00 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1563
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Faallo: Madaxweyne Muuse Biixi, Kaahin iyo Xaashi Iyama Ayuu Jar uga Talaabsanayaa?

    Faallo: Madaxweyne Muuse Biixi, Kaahin iyo Xaashi Iyama Ayuu Jar uga Talaabsanayaa?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faallo: Madaxweyne Muuse Biixi, Kaahin iyo Xaashi Iyama Ayuu Jar uga Talaabsanayaa?



Hargeisa(HWN):-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ahna Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, ayaa go’aan ku gaadhay inuu wareejiyo jagada Guddoomiyaha Xisbigaasi, oo uu hayey tan iyo sannadkii 2010-kii, kaas oo uu ku wareejiyey Guddoomiyihii ka horreeyay ee Axmed Maxamed Siillaanyo, iyadoo laba jeer oo dambe loo doortay Guddoomiyaha Xisbigaas.


Madaxweyne Muuse Biixi ayaa la sheegay inuu qorshaha uu ku wareejiyo xilka Guddoomiyaha Xisbigaasi uu ku wargeliyey Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan iyo ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Siciid Mire Giirre, kuwaas oo u sheegay inuu diyaar u yahay inuu wareejiyo guddoomiyaha Kulmiye, isla markaana ay ka shaqeeyaan kana soo talo bixiyaan qaabka arrintaas loo suurto geli karo, iyada oo la eeegayo midnimada deegaankaas Barig Burco aanu qorshahani kala qaybin.


Labadan Masuul ee uu Madaxweynuhu kala hadlay arrintan, ayaa la weriyey in ay iyagu guddi ka kooban Golaha Wakiillada, Guurtida iyo Salaadiin ay u sii xil saareen ka shaqaynta arrintan, kuwaas oo iyagua kulamo u bilowdeen in kasta oo qaarkood ka maqan yihiin dalka.

Haddaba, yaa doonnaaya Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE inuu ka dhaxlo Madaxweyne Muuse Biixi?

Illaa imika inta la ogyahay Wasiirka arrimaha Guddaha ah, ahna Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed iyo Siyaasiga Caanka ah ee Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa ah labada  siyaasi ee ugu cad cad ee midkood la filaayo inuu noqdo Guddoomiyaha KULMIYE ee Muuse Biixi dabadii.

Labadan siyaasi mid walba kulamo gaar gaar ah ayuu ka wadaa Hargeysa, tan iyo intii uu soo baxay Warka sheegaaya in Madaxweynuhu uu wareejinnaayo Xisbiga KULMIYE.

Haddaba, labadan Siyaasi midkee buu Madaxweyne Biixi jar uga talaabsanayaa?

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa muddo kadib, waxa uu u muuqdaa inuu u arkay in la joogo wakhtigii uu wareejin lahaa Guddoomiyenimada KULMIYE, kadib xisaabo uu isu geystay, oo aan weli bannaanka u soo bixin, kuwaasoo noqon kara inuu noqdo Murrashax Xisbiga ah iyo inuu muddo kordhin samaysto.

⦁ Maxamed Kaahin

tallaabadan uu Madaxweyne Muuse Biixi ku qorshaynaayo wareejinta Xisbiga KULMIYE, ayaa la weriyaa inay tahay mid aan ka farxin Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Xisbiga KULMIYEMaxamed Kaahin Axmed, ahna saaxiibkii  muddada dheer ee dhinaca Siyaasadda ee Muuse Biixi, maadaama oo aan qorshahan laga tashan, isla markaana Madaxweynuhu si iskii ah uu arrintan ugu bandhigay Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Guddoomiye Giirre, taasoo Maxamed Kaahin ku riday anfariir siyaasaddeed, maadaama oo isu arkaayey ninka ugu habboon ee lagala tashanaayo tallaabada KULMIYE lagu wareejinaayo, amma uu isagu yahay ninka xaq u leh inuu noqdo qofka Guddoomiye KULMIYE ka noqonaya Madaxweyne Muuse Biixi dabadii, maadaama oo uu yahay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee KULMIYE, isla markaana qaabkii uu Muuse Biixi ku noqday Guddoomiyaha KULMIYE oo kale uu ku noqon karo.

Xisaabta uu Kaahin isu geystay, ayuu imika u arkaa in ay tahay mid khaldan, oo kalsoonidii uu muddada dheer u hayey Muuse Biixi aanay ahayn sidii uu filaayey, madaama oo ka arrinta mustaqbalka Xisbiga Kulmiye loo gacan geliyey Masuuliyiin iyo Salaadiin Deegaankiisa ka soo jeeda, isla markaana go’aanku dhinacooda ka iman karo, kadibna nidaamka Xisbiga la waafajin doono.

Maxamed Kaahin oo kaashanaya Wasiirrada Xukuumadda kaga jira deegaankiisa, ayaa la sheegay in ay Madaxweyne Muuse Biixi kala hadleen qorshihiisa KULMIYE, balse weli kulamadaasi kaga sii bixin sida xoguhu tibaaxayaan wax la isku afgartay oo la xidhiidha arrintan Kulmiye ka soo korodhay.

⦁ Maxamuud Xaashi

Maxamuud Xaashi Cabdi, oo ah Wasiirkii hore ee Madaxtooyada kana mid ahaa aasaasayaasha Xisbiga Kulmiye, balse wakhtigan aan guddi fulineed, mid gole dhexe iyo xubin ka ahayn Xisbigaasi, madaama oo uu Xisbigaasi sannadkii hore sheegay in laga saaray Xisbiga Siyaasigan Ruug cadaaga ah, ayaa ah siyaasiga ugu dhaqdhaqaaqa badan ee doonaya inuu noqdo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye.

Maxamuud Xaashi, oo muddo ahaa siyaasi ay isku dhaceen Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhawaan dedaallo kala duwan oo ay sameeyeen ganacsato, Siyaasiyiin, Xildhibaanno iyo Masuuliyiin kale waxa ay ku guuleysteen inuu dib ugu noqdo Xisbigaas, isla markaana damaciisii markii hore kala irdheeyey madaxweynaha uu dib boodhka uga jafi karo.

Siyaasigan, waxa yididiilo gelisay dhawaaqa Madaxweynaha ee ah inuu diyaar u yahay wareejinta Xisbiga Kulmiye, maadaama oo lagu yaqaan nin galaangal siyaasaddeed iyo mid ku wacan dhinaca kasbashada dhinacyada ay dani ka gasho, ayaa u arka tallaabadan dib deegaankiisa loogu soo celiyey in ay ka soo tallo bixiyaan qaabka uu noqonayo iyo cidda noqonaysa Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye mid rejo gelinaysa mustaqbalkiisa siyaasaddeed, maadaama oo ay soo martay muddo dhawr sanno ah oo uu ku jiray xaalad hubanti la’aan siyaasaddeed ah.

Maxamuud Xaashi oo ayaa la rumaysan yahay inuu la dhacsan yahay, isla markaana uu kalsooni ka qabo guddida la sheegay in hawsha Mustaqbalka Xisbiga Kulmiye loo saaray, kuwaas oo uu ka dhex kaambayn karayn karo, halka qaarkoodna ay yihiin kuwo ay xidhiidh leeyihiin oo madalaha arrinta kagaga hadlayo doonistiisa kaga dhex shaqayn kara.

Maxamuud Xaashi, ayaa la sheegay inuu aamisanaa in cidda noqonaysa mustaqbalka Guddoomiyaha Kulmiye ay noqoto mid aan lagu go’aamin Kulmiye dhexdiisa, balse Waxgaradka Deegaankiisa lagu soo celiyo, si ay iyaga uga taliyaan, taas oo imika muuqata in qorshihiisu hirgalay oo madaxweynuhu ku dhawaaqay, isaga oo Mudane Biixi ka fikiraya saameynta ay yeelan karo haddii keligii uu qaato go’aan la xidhiidha mustaqbalka Xisbiga Kulmiye, iyada oo arrintan dhirbaaxo siyaasaddeed ku tahay Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, oo u arkayey xalka mustaqbalka Kulmiye mid aan ka fogeyn oo gacanta ugu jira Xisbiga uu Guddoomiye kuxigeenka ka yahay iyo Saaxiibkii Madaxweyne Muuse Biixi oo ah Guddoomiyaha Xisbiga.

⦁ Madaxweyne Muuse Biixi

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa bam siyaasaddeed isaga ku qarxi lahaa haddii uu ka arrimiyo mustaqbalka Kulmiye, imika isu dhaafiyey dhinaca waxgaradka Beesha Bariga Burco.

Madaxweyne Biixi, ayaana u muuqda inuu Wasiirkiisa arrimaha Guddaha Maxamed Kaahin Axmed uu uga tallaabsaday jar siyaasaddeed aanu qorshe ugu fikirin, Wasiir Kaahin.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaana la aamisan yahay inuu tallaabadan u qaaday saddex arrin midkood, waa ta kooowaade, inuu doonayo inuu mar kale murrashax madaxweyne noqdo, taas oo uu u arkay Maxamed Kaahin caqabad ku noqon karo, maadaama sida warar sheegeen ay hore isugu ogaayeen in midkooba hal wakhti qaado oo ay is dhisaan, inkasta oo aanay jirin war labadooda ka soo baxay oo arrintan xaqiijiyey.

halka qodobka labaadna uu yahay inuu doonaayo in muddo kordhin loo sameeyo oo uu helo saameyn leh oo kala shaqeeya muddo kordhintaasi iyo ta saddexaad oo noqon karta haddii Ururrada la furo in Siyaasiga Maxamuud Xaashi uu isku dayo inuu Urur-siyaasaddeed, taasina ay saameyn ku yeelato Kulmiye.

Si kastaba ha ahaatee, waxa shuwaalka kadib loo ballansan yahay in la guddo galo arrimaha la xidhiidha aayo ka talinta Mustaqbalka Xisbiga Kulmiye, iyada oo tallaabada xigtaa noqon doonto qaban qaabada Shirka Xisbiga Kulmiye lagu dooranaayo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee noqon doona Madaxweyne Muuse Biixi dabaddii.


Loading...
Loading...