Raggow Guri Waa Habeen Kaabadii Ninkeeda Kaafidey Suuqa Waaheen

0
Thursday April 21, 2022 - 10:26:09 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1052
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raggow Guri Waa Habeen Kaabadii Ninkeeda Kaafidey Suuqa Waaheen

    Hon-Envoy Abdirizak Diinaari

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hon-Envoy Abdirizak Diinaari

Biilkii Seladda Ee Sariibadda Hagbadda Laga Galey Oo Badbaadiyey Nin Hantidii Suuqa Waheen Ku Gubatey. Qosykiina U Noqdey Hanti Ey Ku Soo Kabtaan Maanta



#Guri_Waa_Haween

#Faaladda_Maanta


Gabadh la igu yidhi ninkeedii baa ku jirey dadka suuqa waheen ka shaqeysta ee xoolahii ka gubteen. Ayaa ninkeedii ku tidhi biilkii (SELADDA) reer kaan hagbadd ka galley, marka meynu ceydhoobine 8 sano ayaan ku jirey.


10,000 dollar baa hayaaye. Ha werwerine inoo shaqee xajii. Anigu inyar oo jacbura ayaan gabadhaa ku tilmaamey. Waxaana idhi


kaabadii haweenkey

kalinteeda Biladii

Korisaddii jaceylkay

Kadeedkii waheeen

Kuleylkiyo dabkii

Kaabdii ninkeeda

Kurbadii ka qaade

Kelmadd aanu filaneyn

Kaga farxisey addunyadda

Kiishkeenu muu madhan

Kafanteena lama tolin

Kor u kaco istaag bood

Anaa keydiye hoo

Kaalmaddeyddii waa tane


Waxaanse xasuustey 1988. Reero baddani waxey ku baxsadeen, markii la qaxey. Dahabkii nin waliba xaaskiisa u iibin jirey. Ayaa la masariifsaddey.


Markaa raga waxaan u sheegayaa. Haweenku waa weel keyd ah aan la xaddin. Raggow hablahaa aad qabtaan seladda u buuxiya.


"Sanadkiiba hadaad hal hargal ama silsiladd yar isaga keento. Wey heyneysaa uun. Hadaad dhimatona caruurta leh. Hadey nooshaheyna meel la tagi meyso. Hadaad furtona caruurtadda u heysa.


Markaa dumaradda aad qabtaan u roonaadda" marnaba waxaad siisa gabadha caruurta ku heysa khasaare maaha.


Midda kale aan ka soo gaadhey odaayashii hore. Gabadha masariif uun mey siinjirin. Gabadha wey jirabi jireen. Waxbey u dhiiban jireen. Markey arkaan iney xafiddey ayay odhan jireen. Waad mahadsan tahey.


Waxii wax kabadan bey u dhiibi jireen. Iyaduna waxey ku fekeri jirtey ninkaagii masuliyadd buu ku saarey. Guntigey gashan jirtey. Marka dambe waxa laga yaaba iney gamacasi yar bilaabi jirtey ama odeygu odhan jirey, bal waxuun ka soo feker aan kula furee.


Ganacsigaasi maaha mid la isticmaalayo faa'idadiisa, wuu iska barakooba. Iyada uun baa leh. Hadey caruurto shaxaado uun bey wax ka siisa balse biilkeedi sidii bey u qadataa.


Waxa qudhe ee aaney dumarku deyn karin. Waa qurxinta gurigeeda. Waxa laga yaaba markaa ninku inuu ka reysto weydiimo badan. Iyada isku filaata. Markaa raga waxan ku dhiiri galinayaa, haweenka aad qabtaan. MAALGALIYA. Gabadhu waxey reerkeeda u dhaqdaa waa keydka aan la madhxin


Guul baan inoo rajeynaya dhamaanten

Waddac waddac Yaa Ramadaan.

FG. Sawirka muqaal ahaan baan usoo qaatey

Quruxdda dhaqankeena hablaheena yaryar.

Hon-Envoy Abdirizak Diinaari

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...