Xogta rasmiga ah ee Kulankii Xildhibaannada Habar-jeclo iyo Kuwa Habar Awal Xalay Ku Yeesheen Hargeysa

0
Thursday April 21, 2022 - 09:44:14 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2148
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xogta rasmiga ah ee Kulankii Xildhibaannada Habar-jeclo iyo Kuwa Habar Awal Xalay Ku Yeesheen Hargeysa

    Xogta rasmiga ah ee Kulankii Xildhibaannada Habar-jeclo iyo Kuwa Habar Awal Xalay Ku Yeesheen Hargeysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xogta rasmiga ah ee Kulankii Xildhibaannada Habar-jeclo iyo Kuwa Habar Awal Xalay Ku Yeesheen Hargeysa



Hargeisa(HWN):-Kulan Xasaasi ah ayaa dhex maray xalay Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada, kuwaas oo ka soo kala jeeda Bariga Burco Iyo Galbeedka Hargeysa.



Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay kulankan, hase yeeshee sida warar xogogaal ahi sheegeen Kulankan oo ay marti qaadkiisa lahaayeen Xildhibaannada Bariga Burco, gaar ahaan kuwa la dhacsan Siyaasadda Siyaasiga Maxamuud Xaashi, ayaa waxa labada dhinac kaga wada hadleen arrimo u badan siyaasadda, gaar ahaan arrimaha ka soo kordhay Xisbiga tallada haya ee KULMIYE.

Mudaneyaashan, ayaa waxa ay isla soo qaadeen sidii looga wada shaqayn lahaa Mustqabalka Xisbiga Kulmiye, xilli dhawaan Madaxweynaha laga soo xigtay inuu diyaar u yahay wareejinta Hoggaanka Xisbiga Kulmiye.

Qodobka ugu muhiinsan ee lagaga hadlay kulankan ee Xildhibaannada Bariga Burco u soo bandhigeen, una sheegeen dhigooda Mudaneyaasha Galbeedka Hargeysa in haddii Madaxweynuhu ka laba labeeyo qorshaha uu doonayo inuu ku wareejiyo Xisbiga Kulmiye, isla markaana Xubnaha Goleyaasha ee ka soo jeeda Bariga Burco uu ku soo wareejin waayo, in ay go’aan adag ka qaadan doonaan gebi ahaanba Xisbiga Kulmiye.

Kulankan ayaa la sheegay inuu ka dambeeyey ka dib markii uu dhawaan Madaxweynuhu ka dhawaajiyey inuu diyaar u yahay wareejiyo Guddoomiyenimada Xisbiga Kulmiye, balse Maxamuud Xaashi oo ah Siyaasi ka mid ah kuwa quudaraynaya in lagu wareejiyo Guddoomiyenimada Kulmiye uu ka shakiyey in Madaxweynaha mowqifkiisii wax ka beddeleen, isla markaana ay ku yimaadeen cadaadisyo kaga yimid dhinaca Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed.


Loading...
Loading...