Ma ogtahay: Qormo Isugu Jirta Dhaqan, Diin, Saynis iyo Aqoon Guud, Ku darso Ogaalkaaga; Qormada 1aad!

0
Wednesday April 20, 2022 - 12:46:59 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 5515
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma ogtahay: Qormo Isugu Jirta Dhaqan, Diin, Saynis iyo Aqoon Guud, Ku darso Ogaalkaaga; Qormada 1aad!

    Fiiro Gaar Ah: Ku Xus faallada haddii aad ku aragto wax hore kaaga maqanaa oo maqaalka aad ka dheeftay!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fiiro Gaar Ah: Ku Xus faallada haddii aad ku aragto wax hore kaaga maqanaa oo maqaalka aad ka dheeftay!

Ma ogtahay in waddanka Indonesia uu ka kooban yahay in ka badan 13 000 (Saddex iyo toban kun) oo jasiiradood, isla markaana uu yahay ka ay ku nool yihiin muslimiinta ugu badan ee dal qudha ku wada nooli. Xorniimadiisana waxa uu ka qaatay Holland 1947.



Ma ogtahay in gabadhii ugu horreysay ee Muslin ahayd ee si dimuqraaddi ah loogu doorto jagada raiisal-wasaarennimo ee waddan Islaam ahi ay ahayd Benazir Bhutto, oo uu dhalatay Pakistan. Gabadhani waxa ay raiisal wasaare noqotay laba jeer oo kala ah 1988-1990 markaas oo ahayd 35 jir, iyo waliba 1993-1996, waxaanay labada jeerba xukunka uga degtay kacdoon shacab.


Ma ogtahay in waddanka adduunka ugu dhulka yari uu yahay ka la yidhaahdo Vatican ka, waxaanu leeyahay baxaad dhuleed oo dhan 44 hikter.


Ma ogtahay in boqorkii dunida ugu da’da yaraa 1986 uu ahaa King Mswati, xilligaas oo ay da’diisu ahayd 18 sanno oo qudha, boqorkani waxa uu haystaa waddanka Swasiland oo ka mid ah 5ta dal ee ku yaalla koonfur Afrika.


Ma ogtahay in ay shinnidu awood u leedahay in ay aragto nooc ka mid ah fallaadhaha ay cadceeddu soo dayso oo loo yaqaan Ultraviolet Rays, falladhahan indhaha dadku ma arki karaan. Waxaana loo aaneeyaa in ay sababaan kansarka maqaarka ku dhaca, waxyeellana waxa ay gaadhsiiyaan dalagga beeraha.


Ma ogtahay in ay haweenka ama dumarku yihiin noolaha kaliya ee dhasha joojiya marka ay weynaadaan. Xayawaannada kale waxa la sheegaa in aanay dhasha joojin ee ay dhalmada kala fogeeyaan marka ay weynaadaan.


Ma ogtahay in jidhkeenna meesha ugu adagi ay tahay lakabka ugu sarreeya ilkaheenna, lakabkaas oo loo yaqaanno "Enamel”, waxa uu ka adagyahay lafaha !!!, waana ka ilaaliya ilkaheenna.


Ma ogtahay in waddankii ugu horreeyay ee Afrikada madaw ahaa, ee xornimadiisa qaataa uu ahaa Waddankii loo yaqaannay "Gold Coast”, ama "xeebtii dahabka”, haddana loo yaqaanno Ghana, kaas oo madaxbannaanidiisa helay 1957. Waxa madaxweynena ka noqday Kwame Nakruma .


Ma ogtahay in socdaalkii ugu dheeraa ee Nebi galo in uu galay, Nabi Maxamed (Sallallaahu Calayhi Wasalam). Waxa uu habeen qudha ka socdaalay Maka waxaanu tagay Qudus, halkaas oo uga sii gudbay Samada toddobaad, waana habeenkuu Ilaahay ummadda islaamka ah ku waajibiyay salaadaha shanta ah.


Ma ogtahay in fiidmeerta iyo nibiriga dhasha ah aanu midkoodna lahayn indho, balse ay ku socdaalaan noqodka jabaqda ama dayaanka "Echo”. Taas oo u sahasha in ay wax ugaadhsadaan si ay cunto u helaan.


Ma ogtahay Masjidka barakaysan ee xaramku uu yahay kii u horreeyay ee laga dhiso dhulka korkiisa. Waxa dhisay labadii Nabi ee is dhalay waa Nabi Ibraahin iyo Nabi Ismaaciil Calayhima Salaam. Masaajidkii labaad ee la dhisaana uu ahaa Masjidka Qudus oo uu dhisay Yacquub Calayhi Salaam.


Ma ogtahay in ninkii koowaad ee sameeyay laambadaha kaydhku uu ahaa Thomas Alpha Edison, oo dhalasho ahaan Maraykan ahaa. Edison markii ku jiray hawshan waxa la sheegaa in uu guuleydarreystay 999 jeer, oo uu guuleystay markii 1000 aad.


Ma ogtahay in suuradda Quraanka ka mid ah ee uu aayadadaheeda dhammaantood uu ku jiro magaca Ilaahay ee "Allah” ay tahay "suuratu Mujaadalah”, ama Suuradda aynu u naqaanno "Qadsamic”.

 

 

Ma ogtahay in bidaarta uu sababo khalkhal ku dhaca hoormoon ama dheecaan ay raggu leeyihiin oo loo yaqaan "testesterone”, waana sababta ay ragga oo qudhi bidaar u yeeshaan ee aanay dumarku bidaar u yeelan.


Ma ogtahay in magaca haluhu marka aanay dhalin la yidhaahdaa uu yahay "Abeer”, hasha neef walbaaba jaqona loo yaqaan "Hebed”, hasha oggol neefka ay dhashay oo qudha jaqistiisana waxa la yidhaahdaa "Toojo”.

Ma ogtahay in gacanka loo yaqaanno Sues Canal, ama gacanka Suweys ay samaysay dawladda Ingiriisku, iyada oo samayntiisuna qaadatay muddadii u dhaxaysay 1857-1869. Intii xilligaas ka horreysay gacanka Suweys meesha uu ku yaallaa waxa ay ahayd berri, maraakiibta ka imanaysa Yurub ee u socdaalaysa Aasiyana waxa ay ka wareegi jireen Koonfur Afrika, safarkaas oo qaadan jiray waqti badan.


Ma ogtahay in sahamiyihii Christopher Colombos uu yahay, ninkii daahfuray qaaradda Ameerika sannadkii 1492, isaga oo ugu horrayn helay Jasiiradaha Bahama Islands, una bixiyay Sansalvadore . Taariikhdii ka horreysay 1492 caalamku wax xidhiidh ah lama uu lahayn Ameerika.


Xogtan horena waan u faafiyay, kollay dadkii aanay gaadhin ayaa akhriyi doona.

La soco qaybta labaad idanka Alle.

 

W/Q: Siciid Maxamuud Gahayr

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...