Khilaafka Dawlada Hoose Ee Hargaysa & Xukuumada Oo Meel Adag Maraya
Hargaysa (HWN) Xildhibaan Yaasin Cumar Yare, oo ka mida mudanayaasha golaha degaanka ee magaalada Hargeysa, ayaa sheegay haddii ay waxba ka qaban kari waayaan hawsha loo igmaday in aanay iska tageyn, balse ay midh midh isu’toogan doonaan.
"Haddii aanu Hargeysa, waxba ka qaban kari weyno, iska tagi mayno ee midh midh ayaanu isu tooganeyna. Suuqa Waaheena waxa aanu ka dhigii, suuqyada caalamka oo kale” Ayuu yidhi Xildhibaan Yaasiin Cumar Yare, waxaanu intaasi ku daray Nashqadeynta Suuqa Waaheen Dawladda hoose ayaa leh garan maayo goorta shaqadaydii ay Wasaaradda hawlaha guud la wareegtay, waxay soo magacaabeen 15 Injineer oo ay yidhaahdeen waxay nashqadaynayaan Suuqa Waaheen, hal Injineer ayaa kaga jira Dawladda hoose, taasina mid aanu qaadanayo maaha, meesha ay geynayaan ee ay nashqanaynayaana iyaga garanaya ee suuqa Waaheen keeni maayaan”Xildhibaan Yaasiin Omer Yare