Dadka Reer Somaliland Haka Jawaabeen Suaashan?

0
Tuesday April 19, 2022 - 17:23:56 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1142
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dadka Reer Somaliland Haka Jawaabeen Suaashan?

    Somaliland laysuma mareexaanayn karo?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland laysuma mareexaanayn karo?

Hibo oo ah inantii ka hadashay dhibaatada haysta dadkii ku wax yeeloobay Masiibadii Suuqa Waaheen waa la soo xidhay, waxana ay xabsiga ugu jirtaa bilaa xukun iyada oo eedaha loo haysto ay ka mid tahay kicin dadwayne.



Ninkan Boqorka sheegta ee shalay soo abaabulay kooxda ee Tv yada ka hadlay waxa uu aflagaadeeyey ciidanka, maayirka caasimada, sidoo kale waxa uu ku goodiyey inuu koox uu haysto soo dayn doono oo uu Amaanka ku khal khal galin doono, waxa uu intaa ku daray in ay Madaxwaynaha isku hayb yihiin.


24 saac ka dib wali wax talaabo ah xukuumadu kamay qaadin.!

Shacabka reer Somaliland ha is waydiin waa maxay sababta ninkan hanjabaada iyo aflagaadada isku darsaday wax looga qaban waayey? Iyada oo ay xidhan yihiin haweenkii iyo masaakiintii Xoolahooda ku waayey suuqa waaheen?


Hadii aad maqli jirteen u kala abtirinta shacabka arintani markhaati ma ka noqon kartaa?


Somaliland laysuma mareexaanayn karo? qof qof ka sareeya iyo qabiil qabiil ka sareeya toona ma jiro kuwa sidaas ku fakaraya na wakhtiga ayaa uga jawaabi.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...