Cadaaladu waa Miisaanka Raxmaanka !

0
Tuesday April 19, 2022 - 17:17:53 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 618
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cadaaladu waa Miisaanka Raxmaanka !

    Ex. Wasiir Kaysar Maxamed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ex. Wasiir Kaysar Maxamed

Qof kasta oo muwaadin ah waa la xidhi karaa, la eedayn karaaa oo xataa ay dhici kartaa in lagu been abuurto ama dembi aan caddayn loo hayn lagu soo xidho.



Waxaase muhiim ah in la raaco sharciga, oo 48 saacadood Maxkamad lagu hor geeyo qofka la soo xidhay, Maxkamaduna waxay xaq u leedahay inay sii deyso qofkii aan dembi lahayn, ama ay xabsiga ku sii hayso muddo cayiman inta baadhistiisu socoto, ama xukunba ay ku rido qofkii dembi ku cadaado Maxkamada horteeda.


Wixii intaas ka baxsani waa  xaaraan  aan marnaba la aqbali karin xadhig kasta oo aan sharci ahayn oo qof lagu xidho, ama muwaadin xabsi la iskaga hayo isaga oo aanay maxkamadi sharciyaynin xadhigiisa.


Jamhuuriyada Somaliland waxay usoo gashay halgankii qadhaadhaa ee Xoreynteeda in aanay dalkeena dib ugu soo noqon dhaqamadii faasidka ahaa ee xukuumadii Maxamed Siyaad Barre.


Waxaynu nahay ummad leh Dastuur ay isla ogolaatay inay ku dhaqanto oo ay raacdo, wax kasta oo dastuurkeena ka soo horjeeda oo lagu kaco waxa uu foolxumo ku yahay sharafta ummada reer Somaliland, mana ah mid sinnaba loo aqbali karo.


Xeer ilaalinta Qaranka Somaliland iyo Laamaha Garsoorka dalku waa inay maanka ku hayaan ujeedada ay u abuuran yihiin, kana fogaadaan inay ku tuntaan xeerarka Dalka u degsan, isla markaasna ay ogaadaan in lagula xisaabtami doono gudo iyo debedba hadba masuuliyiinta xilka haya marka sharciga lagu gefayo.


Waxaynu doonaynaa inaynu Dalkeena u helno aqoonsi oo aynu dunida ku yeelano sumcad, nasiib darro ficilada ka soo baxaya Xeer-ilaalinta iyo Laamaha Garsoorka iyo kuwa ammaanku maaha kuwo taageeraya dadaalka aynu ugu jirno inay dunidu ina aqoonsato.


Qarnigan aynu ku jirno Dawladaha horumaray iyo dunidu aad ayay uga soo hor jeedaan cabudhinta saxaafada iyo ku tamashada xuquuqda Muwaadiniinta.


Somaliland ha Guulaysto

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...