Ururka SOLJA Oo Ka Hadlay Saxafiyiinta La Siidaayay Iyo Kuwa Lala Hadhayba

0
Tuesday April 19, 2022 - 11:31:50 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 916
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka SOLJA Oo Ka Hadlay Saxafiyiinta La Siidaayay Iyo Kuwa Lala Hadhayba

    "Waxa kale oo uu ururku ka xun-yahay in xadhiga lagu si hayo Saddex Weriye"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxa kale oo uu ururku ka xun-yahay in xadhiga lagu si hayo Saddex Weriye"

Hargaysa (HWN) Ururka  Suxufiyiinta Somaliland  ee SOLJA ayaa ka hadlay 12 kamid ah 15 wariye ee ku xidhnaa magaalada Hargaysa oo maanta lasiidaayay.



Waxaanu Ururku qoraal uu baahiyay ku sheegay in uu aad uga xunyihiin saddexda saxafi ee weli ku xidhan Hargaysa.


Qoraalka uu ururku arinkan kaga hadlay ayuu uqoray sidan:-

"Ururka  Suxufiyiinta Somaliland  waxa  uu  aad  ugu  faraxsanyahay sii daynta    laba  iyo toban (12)   Weriye  oo kamid  ah  Shan iyo tobankii  Weriye  ee la xidhay    13kii   bisha Afaraad.  Ururku waxa  uu  dedaal wayn  galiyay  sidii Wariyayaashu  ay  dib ugu  heli  lahaayeen Xoriyaddooda  una  gudan lahaayeen  hawlahooda  shaqo.


Waxa kale  oo uu  ururku  ka xun-yahay   in  xadhiga lagu si hayo  Saddex  Weriye oo kala  ah Maxamed Cabdi Sheekh, Cabdijibaar Maxamed Xuseen iyo Cabdirahmaan Cali Khaliif oo  maalintii todobaad  ku xidhan  Laanta Danbi  Baadhista  ee CID-da  oo  aan iyagu qayb ka  ahayn  wariyayaasha maanta  xoriyadooda  dib  u helay  taas oo  ururku dedaal  kaga  jiro.”

Loading...
Loading...