Diiwaangelinta musharrixiinta Guddoonka Golaha Shacabka & Aqalka Sare oo Maanta bilaabaneysa

0
Tuesday April 19, 2022 - 11:08:47 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 572
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diiwaangelinta musharrixiinta Guddoonka Golaha Shacabka & Aqalka Sare oo Maanta bilaabaneysa

    Dhinaca kale Guddiga doorashada Guddoonka Golaha Shacabka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhinaca kale Guddiga doorashada Guddoonka Golaha Shacabka



Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare ayaa billaabaya Maanta oo talaado ah diiwaangalinta Musharraxiinta Guddoonka Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.


Qoraal kasoo baxay guddiga ayaa lagu yiri sidaan "Maallnta oo ah 19 April 2022, Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare BFS wuxuu billaabayaa Diiwaangelinta Musharraxiinta u tartamaya xilka Guddoonka Golaha Aqalka Sare”.



 

Dhinaca kale Guddiga doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ayaa dhankooda Maanta bilaabaya diiwaangelinta musharrixiinta Guddoonka Golaha, iyada oo ay jiraan musharrixiin dhowr ah oo doonaya inay u tartamaan xilka Guddoonka Golaha Shacabka.


26-ka Bishaan ayaa lagu wadaa in la qabto doorashada Guddoonka Aqalka Sare halka Maalibta xigta ee 27 Bishaan la qabanayo doorashada Guddoonka Golaha Shacabka, hayeeshee waxaa jira Xildhibaank diidan jadwalkaan la soo saaray.

Loading...
Loading...