Wasiirka Qorshaynta Somaliland Oo Qaabiley Wefti Ka Socday Qaramadda Midoobay

0
Monday April 18, 2022 - 23:06:33 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1095
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Qorshaynta Somaliland Oo Qaabiley Wefti Ka Socday Qaramadda Midoobay

    Wasiirka Qorshaynta Somaliland Oo Qaabiley Wefti Ka Socday Qaramadda Midoobay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Qorshaynta Somaliland Oo Qaabiley Wefti Ka Socday Qaramadda Midoobay


Hargeisa(HWN):-Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland Cumar Cali Cabdilahi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti sare oo uu hogaaminayay ku-xigeenka safiirka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Dr. Adan Abdelmoula.



Wasiirka ayaa uga mahad celiyay Qaramada Midoobay taageerada ay Somaliland ka taageeraan dhanka horumarka, iyo geedi socodka dimoqraadiyadda.

Waxaanu wasiirku sharraxaad guud ka bixiyay dhacdadii Dabka ee suuqa Waaheen, khasaarihii ka dhashay, gurmadka la sameeyay iyo qaabka loo muumalay gurmadkaasi.

Sidoo kale, wasiirku waxaa u tilmamay dadaalka ay dawlada Somaliland u gashay in la ururiyo qaadhan xoogan oo lagaga soo kabanayo dhacdadaasi.


Dhanka kale Dr. Adan Abdelmoula, ayaa uga mahad celiyey Wasiirka sida fiican ee uu usoo dhaweeyey iyo sida fiican ee uu xogta uga siiyey dhacdadii suuqa waaheen.

Geesta kale, waxa uu Wakiilku muujiyay in uu la dareen yahay shacabka iyo dawladda Somaliland murugadana la qaybsanayo iyo wax-yeeladii uu dabku gaadhiiyey suuqa waaheen.

Ugu dambayna Dr. Adan, waxa uu balan qaaday in Qarama Midoobay diyaar u tahay ka qabyqaadashada gurmadka suuqa WAAHEEN.


Loading...
Loading...