Dowladda Qatar oo Raashin Mucaawimo Soo Gaadh-siisay Somaliland

0
Monday April 18, 2022 - 22:42:58 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1055
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Qatar oo Raashin Mucaawimo Soo Gaadh-siisay Somaliland

    Hargeisa(HWN):-Dowladda Qatar ayaa raashin mucaawimo oo loogu tala-galay Qoysaska danyarta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(HWN):-Dowladda Qatar ayaa raashin mucaawimo oo loogu tala-galay Qoysaska danyarta

Hargeisa(HWN):-Dowladda Qatar ayaa raashin mucaawimo oo loogu tala-galay Qoysaska danyarta ah ee tabaaloobay masiibada Suuqa Waaheen iyo Abaaraha ka jira Dalka.



Raashinka Deeqda ah oo dowladda Qatar oo gaadhaya 45 Tan looguna talo-galay 750 Qoys oo ay saamaysay masiibada Suuqa Waaheen iyo Abaarta dalka ka jirta, waxa dalka soo gaadhsiiyey Sanduuqa Horumarinta ee Dowladda Qatar, sida ay warbaahinta Somalilandpost ka soo xigatay The Peninsula oo ah warbaahin laga leeyahay dalka Qatar.


Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta ee Qatar Khalifa Al Kuwari ayaa warbaahinta The Peninsula u sheegay in raashinkani yahay gurmad deg-deg ah oo ay ugu talo-galeen qoysaska danyarta ah ee Somaliland.

"Kaalmadan deg-degga ahi waxa ay ku soo beegantay in ay door muhiim ah ka qaadato sidii loo dhimi lahaa dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee ku habsatay dadka dhibaataysan iyo dadka danyarta ah ee ku dhaqan Somaliland, gaar ahaan ka dib markii uu dab qabsaday suuqa weyn ee caasimadda Hargeysa dhawaan, kaas oo saamayn ku yeeshay dhinaca sugnaanta cuntada, marka laga reebo abaarihii ku dhuftay gobolka,” sidaas ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Qatar Fund for Development.


Raashinka Mucaawada ah ayaa la socday weftiga Safiirka Dowladda Qatar ee shalay soo gaadhay Somaliland.

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay weheliyaan Guddiga heer Qaran ee Gurmadka masiibada Suuqa Waaheen, ayaa weftiga safiirka ku soo dhaweeyey dalka shalay, waxaana la geeyey suuqa gubtay ee Waaheen oo ay weli ka socoto nadiifinta hadhaaga hantidii gubatay.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed madaxtooyadu ka soo saartay socdaalka weftiga shalay, safiirka dalka Qatar wuxuu indhihiisa ku arkay inta ay le’eg tahay dhibaatada dabku geystay, isaga oo muujiyey sida uu uga xun yahay dhibka gaadhay dhaqaalihii bulshada reer Somaliland ee halkaas ku ganacsan jirtay.


Loading...
Loading...