Axkaamta Ramadaanta Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub Qaybtii 26aad

0
Thursday May 30, 2019 - 16:50:54 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1176
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axkaamta Ramadaanta Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub Qaybtii 26aad

    Laylatul-Qadriga (2)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laylatul-Qadriga (2) Caa’isha Rc ayaa Rasuulka CSW wayddiisay haddaan la kulmo habeenkan maxaan idhaa, Rasuulku CSW wuxuu ugu jawaabay  in ay ku ducaysato, "Allow waad saamaxaad badan tahay, cidda wax samaaxdana waad jeceshahee na saamax.” Run ahaantii  waa duco wax walba koobsanaysa.



Waxa aynnu baraarujin lahayn in ay habeennadan oo kale ay dhacdo in dadku salaadaha sunnayaasha ah ku dadaalaan oogistooda halka kuwi la faray ee lagala xisaabtamayey ay dayacaan. Waxa aad arkaysaa qof Tarawiix ama Tahajud habeen walba u taagan oo haddana salaaddii subax ka hurda, taasi cibaado noqon maysee waa istusnimo. Sunnaha oogisteeda iyo oogis la’aanteeda mid qiyaamaha lagu wayddiinayo maaha, hase ahaate in aad salaadaha faralk ah oogtaa waa mid qiyaamaha ku dul saaran.


Ma diidayo in la tukado salaadaha sunnayaasha ah, sew axa aan leeyahay faralka aynnu ka soo dhalaalno horta, dabadeed sunnayaasha aynnu u soo tafaxaydano, si cibaadadu inooga noqon mid wajiga laynagaga dhufto.


Sakaatul-fidriga

Sakaatul fidrigu waa qofka khaladaadkii ka dhacay intuu soomanaa oo laga nadiifinayo sidu Rasuulku CSW sheegay, "Sakaatul fidrigu waa qofka oo khaladaadkii iyo macsidii ka dhacday lagaga nadiifinayo iyo masaakiinta oo la quudinayo, qofka salaadda ka hor bixiya waa sako la aqbalay, qofka salaadda ka dib bixayana waa sadaqo ka mid aha sadaqooyinka.”

 


Sakaatul fidriga la bixinnayaa waa cuntada waddankaa laga isticmaalo, adoo bariis cuna dadka qamadi siin maysid, ee waxaa aad cunto un baad dadkana siinaysaa. Isku soo celcelis inta la bixinaya waa laba kilo iyo badh, oo raashin ah sida bariis ama cunto kaydsanta, see daqiiq iyo sonkor ku bixin maysid.

 


Xilliga la bixinaya waa cadceedda u dambaysa maalinta Ramadaan marka ay dhacdo ee ay soo baxdo cadceedda maalinta ciiddu, "Qofka salaadda ka hor bixiya waa sako la aqbalay, qofka salaadda ka dib bixayana waa sadaqo ka mid aha sadaqooyinka.”

 

 

Bogga Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub

            Email: [email protected]

                    Tell: 063 440 85 03. 97 08 515

                         SheekhRakuub.wordpress.com

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...