Xeerka Anshaxa Saxaafadda Jam. Soomaalilaan Ma Oggol Yahay In La Duubo Ama La Baahiyo Dhacdooyinka Xabsiyada?

0
Monday April 18, 2022 - 17:26:51 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 694
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xeerka Anshaxa Saxaafadda Jam. Soomaalilaan Ma Oggol Yahay In La Duubo Ama La Baahiyo Dhacdooyinka Xabsiyada?

    Waxa qoray:- Maxamed Kayd Muuse.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa qoray:- Maxamed Kayd Muuse.

Masuulliyadda, Mabaadii'da & Anshaxa Guud ee Mihnadda Saxaafadda, Xeerka Anshaxa Saxaafadda Jamhuuriyadda Soomaalilaan Ma Oggol yahay in la duubo ama la baahiyo dhacdooyinka Xabsiyada?



Ugu horayn ereyga Saxaafad (Journalism) waxa uu macnihiisu noqonayaa ururinta, diyaarinta iyo tebbinta warrarka, fikradaha, mabaadiida, maddadaalada iyo suugaanta iyada oo lagu baahinaayo maddalaha warbaahinta sida; Telefishanka, Raadiyoowga, Wargeysyadda iyo buuggaagta oo la'isku yidhaahdo (Tradional Media), iyo baraha bulshada oo lagu magacaabo (Digital Media), Saxaafaddu waa biriishka isku xidha dadweynaha iyo maamulkooda.


Saxaafadda madaxa bannaan ee awooda, aqoonta, macnaha iyo tayada lihi waa laan ka mid ah afarta laamood ee ay dawladnimadda casriga ahi ka kooban tahay, laamahaas oo kala ah; Fullin, Sharci dejin iyo Garsoor waxaanna korjoogteeya, (Watch dog) la'aantoodna aannu sharcigu shaqaynayn laanta afraad oo ah Warbaahinta madaxa bannaan.


Saxaafadda dhabta ahi waa carrooga caddaaladda, codka kuwa billaa codka ah (Voice of voiceless) waxaana ay ka turjuntaa bulshada ay ka dhex beerantay, waanna tiirka afraad ee dawladnimadda casriga ah, la'aantoodna lagama yaabo in sharcigu shaqeeyo oo wacyiga bulshadu koro.


Shaqada Saxaafadda:-

Shaqada Saxaafadddu waa in ay fahamsiiyaan dadka dhacdooyinka maalinlaha ah ee ka dhacaya hareerahooda, waxaana ka mid ah shaqadooda:-


Waxa ay dadka u soo gudbiyaan warar iyo doodo ay ku wargelinayaan dadweynaha (To inform), Waxa ay dadka la wadaagaan barmaamijyo ay wax ku barayaan dadka (To educate), waxa ay dadka u soo daayaan fillimo musalsal ah iyo suugaan ay dadku ku maddadaashaan (To entertain), sikastaba ha'ahaatee Saxaafaddu dadka way wargelisaa, waxbay bartaa, waannay maddadaalisaa.


Masuulliyada Mihnada Saxaafadda:-

Saxaafaddu waa hubka lagu dagaalamo dunnida maanta marka laga yimaado dhaqaalaha iyo tignoolajiyadda casriga ah, waa dhegaha iyo indhaha bulshada, sidaas awgeed waa seef labba afleh oo si fuddud u dhallin karta dagaal iyo gaddood bulsho, sidoo kalena si fuddud u dhallin karta nabbad iyo xasillooni, taas oo ka dhigan hadba sida loo adeegsado, dalal badan oo caalamka ah Saxaafaddu door weyn oo la taaban karo ayay ka qaadatay haruumarkooda, sidaas oo kale Saxaafaddu waddamo badan oo Afrikaan u badan ayay ka qaybqaadatay burbur iyo aafo ku dhacday, tusaale ahaan waddanka Ruwaanda sannadkii 1994-kii waxa ka dhacay xasuuqii adduunka ugu xumaa, markii la baadhayna waxa la ogaaday in doorka ugu weyn saxaafaddu ku lahayd hurinta colaadaas. Sidaas awgeed mihnada Saxaafaddu waa xirfad masuulliyadeedu culustahay, oo u baahan dadaal dheeraad ah iyo aqoon sare.


Anshaxa & Dhawrsanaanta Mihnanadda Saxaafadda, (Ethics of Journalism):-

Anshaxa Saxaafaddu waxyaabaha uu mamnuucay waxa ka mid ah; sheegista warrar been abuur ah, buunbuuninta, kicinta bulshada, shakhsi weerarka, nacamlaynta, qabyaaladda, mucaaridnimada, caadifadda iyo waxkasta oo taabbanaya ama damqaya dammiirka guud ee dadweynaha.


Mabaadiida Guud ee Mihnada Saxaafadda (Principle  Of Journalism):-

Madaama aad tahay weriye waa in aad dhawrtaa shaqadaada, shakhsiyadda iyo sharaftaadaba, adiga oo illaalinaya Mabaadiida Mihnada oo ay ka mid yihiin;


(B) Xaqiiji Xogta (Be accurate):- Waa in aad xaqiijisaa magacyada, goobaha, iyo higgaadda waxyaabaha aad qorayso, cidkasta oo wax kuu sheegtana ha'aaminin.


(T) Madaxbannaani (Independence):- xor ka ahaw lacagta laaluushka ah ee ay ka qaataan weriyeyaasha Soomaalidu siyaasiyiinta, ganacsatada, odayaasha dhaqanka, qabiilada, xukuumada iyo kooxaha ciidanka ee loo yaqaan Qabax (shuruur), sababta oo ah soomaalidu waxa ay ku maahmaada "Nin ku laaluushay oo markhaati been ah aad u furtay, kaana muraadsay waxaa tahayna ogaa".


(J)Dheelitir sheekada  (Balance):- sheeg dhinacyada kaladuwan ee sheekada oo isku day dadka lagu eedeeyay in ay khalad sameeyeen in ay ka jawaabaan eedaas.


(X)Sinnaan & Daacadnimo (Fairness) ha duubin hana baahin oo ixtiraam siraha dadka iyo dawladda u gaarka ah, illaa ay jirto sabab dan guud ah oo lagama maarnaan ah, ka taxadir in aad qof ku sheegto dambiile ama eedaysane ka hor inta aan la xukumin.


(KH) Dhexdhexaadnimo (Impartiality):- waa in aad yeelataa karti dhexdhexaadnimo oo aannad taageerin hal dhinac , islamarkaana aad kala taqaanid war iyo faallo...


 Xeerarka Saxaafadda Jamhuuriyadda Soomaalilaan Ma Oggol yahay in la duubo ama la baahiyo dhacdooyinka Xabsiyada?


Xorriyadda saxaafadda waxa xaqiijinaya oo aqoonsaday qoddobka 32-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaalilaan, waxayna ixtiraan iyo xishmad ka mudan tahay dalkan Soomaalilaan guddihiisa, sidaas oo ay tahay qoddobka tobnaad ee xeerka Saxaafadda Jamhuuriyada Soomaalilaan Xeer L/R 27/2004 xubbintiisa labbaad ayaa mamnuucaya in Saxaafaddu ay gallaan, sawiraan, xeryaha iyo fadhiisimada ciidamada, waxaanna uu u dhigan yahay sidan:-


 "Saxaafadda waxa ku waajib ah illaalinta iyo xafidaada sirta xeryaha ciidamada qaranka ee ay baahintoodu keeni karto in ay cadawgu wiiqaan istaraatiijiyada iyo awooda ciidan ee qaranka", qoddobkani wuxuu tilmaamayaa in saxaafadda Soomaalilaan ay adeecdo una hoggaansamaan xeerka Saxaafadda J.S.L waxaanna uu Saxaafadda ku waajibinayaa in ay illaaliyaan sirta xeryaha ciidamada oo ah goob u gaar ah saadka iyo saanada ciidamada, sidoo kalena ay yaallaan dhammaan hubkii iyo hantidii ciidamada qaranku.


Waxa qoray:- Maxamed Kayd Muuse.

Axad., 18, Abril, 2022/17, Rammadaan 1443.

Hargeysa, Soomaalilaan.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...