Dagaaliyo Colaada, Duufaaniyo Dabiyo Cudur, Daayinkeen Inaga Hay, Duco Weeye Ramadaan, Amiin Dhaha Dadweynow.

0
Monday April 18, 2022 - 11:40:44 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 550
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaaliyo Colaada, Duufaaniyo Dabiyo Cudur, Daayinkeen Inaga Hay, Duco Weeye Ramadaan, Amiin Dhaha Dadweynow.

    W/Q: Ismai Abdillahi Handuleh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ismai Abdillahi Handuleh.
  BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM [A.S.C.W.R.W.B]

Tu khaas ahna bahda H/W iyo akhristayaasha.

 

1-Duunyo ruuxa hayste,Degdeg inu ku taajiro,



  Doonayo dalaadala,Dulsaar badan ka daayo,


  Danyarteena dhawro,Ha duldhiganin xaraan,


  Daawo suuqi waaheen,Doolarka iyo dahabki,

 

2-Danbasba ka hadhayo,Waana loo dawerayaa,


   Daayin mahadi weeyano,Dadkiiba inoo noolo,


   Duunyo way tabcanayan,dawgeeday yaqanan,


   Duruusaan dhamaniyo,Digniin bay inoo tahay.

 

3-Dadku barasho weeyee,Derskaaga kala baro,


   Diyaarado rusheeyo,Degdeg inooga deminlaa,


   Dawladaha jaarkeenu,daqiiqaday ku imanlayd,


   Duur xulkaygan faalada,Deegaanku kuma jiro.

 

4-Dad miyaan la simayaa,Duniyo dhalasho weeyo,


   Dareenka iyo garashaa,Damqashada hogaanshe,


   Dabeecadoodu kala gaar,Hooyo labaday dihatay,


   Ugu dudinamayno,Dadkaan nahay walaal dhaba.


 

5-Ducuun baan ku xidhaya,Dabuuta iyo maansadan,


    Daayinkeen inaga dhawr,Dagaalka iyo colaadaha,


    Dufaanka iyo dabaylaha,Dabka olola beladiisba,



    Daacuun iyo dilaa cudur,Duumada kolay tahay.


    Ducadeenan ramadaan,Aamiin dhaha dadweynow,


                       Ismai Abdillahi Handuleh.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...