Binu Adamka Iyo Sareynta (Human Being And Superiority)

0
Monday April 18, 2022 - 11:34:02 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 663
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Binu Adamka Iyo Sareynta (Human Being And Superiority)

    W/Q: Mohamed Abdi Jama

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Mohamed Abdi Jama

Binu adamku waxa ay ka siman yihiin in ay yihiin dad sareynta jecel, maalka , madaxnimada, amaanta iyo taariikhda fac tirsiga iyo waliba waxkasta oo loo arko in uu derejo iyo qiimo leeyahay, waana dabci dhalan ah oo dadku leeyihiin guud ahaan.



Haddaba marka aynu soomaali nahay ayaa waxaa jirta in aynu la wadaagno intaasiba dadka kale , waxa aan is leeyahay midina waa inoo gaar, oo dhaqanka somalida faanka iyo in qolo walba reerkoodu sareeyo ayey ka siman yihiin, waxa sidaasi oo kale aan waligeed lagu heshiinayn waxa taariikhda la yidhaahdo oo qofwalba lagu ababiyey reerkiina ayaa ugu geesi sasan ugu taajirsan ugu taariikh wanaagsan sidaasi oo ay tahay ayey noqdeen qab aan qab ogeyn.


Arimahani waxa ay caqabad ku yihiin in somalidu wax ku heshiiso, oo kaftanka ku heshiin maysaan, dhaqanka ku heshiin maysaan, siyaasada ku heshiin maysaan, xataa diinta ayaa ay adag tahay sida loogu heshiiyaa oo waxaaba suuragal ah in la yidhaahdo wadaadka reer hebel maxaanu ka dhagaysanaa.


Sidaasi oo kale ayaa dawladnimada iyo habka aynu maanta u noolnahay uu noqonayaa mid aan shaqeynayn oo nin waliba qabiilkiisa iyo jufadiisa ayuu mansab la doonayaa, hada garo oo halka uu la jecel yahay Waa meel lawada leeyahay looguna adeegayo dadka oo dhan, fahankaasi wuu inaga maqan yahay dabadeedna waxa dhaqan inoo noqotay in la kala sheegto waxii ay dadku wada lahaayeen, dawladnimadii, xisbiyadii iyo xilalkii qaranka.


Marka maan fayow iyo maskax caafimaad qabta lagu fekerayo waxa aad garanaysaa in aynu ku jirno xayndaab adag iyo caqabo aan baryahan laga gudbi karayn una baahan dhabar adayg iyo hogaamin hagid cusub wadata oo dadka waxan ka saarta, si aynu umadaha hore u maray u gaadhno oo aynu halkan uga dhaqaaqno.


Mid ogow nidaamka inta ku bahaysani sifaha ay doonaan ha ku yimaadaan e waa isku ujeedo, reer walba way leeyihiin oo dadka oo dhan bay ka kooban yihiin haba lagu kala bato e , hadaad u nisbeyso reer ama laba reer waa fursad kale oo ay ku helayaan in aan dhaliilaha maamulka loo fiirsan ee loo habaysmo qaab beelo isku muuq-muuqda taasina waxa ay inaga luminaysaa dantii guud iyo ujeedadii umadani lahayd.


Laakiin hadii aynu sidan sii ahaano macno badan ma soo kordhin doonto, qofkasta oo yimaadana waxa qabsan doonta caqabad ka culus kii ka horeeyey arinkeenuna waxa uu noqon doonaa maxaa daal la korodhsaday, waxa Ina deeqda cadaalad, waxa Ina deeqda walaalnimo iyo wax wada lahaansho waxa Ina deeqda horumar.


Mohamed Abdi Jama

Mohamed Dhimbiil

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...