Baaq Ku Aaddan Sii-deynta Suxufiyiinta Ku Xidhan Hargeysa: Is-barbardhigga Wargudbintii Waayada Hore iyo Ta Maanta

0
Sunday April 17, 2022 - 11:20:21 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 739
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baaq Ku Aaddan Sii-deynta Suxufiyiinta Ku Xidhan Hargeysa: Is-barbardhigga Wargudbintii Waayada Hore iyo Ta Maanta

    W/Q: Siciid Maxamuud Gahayr

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Siciid Maxamuud Gahayr

"Suxufiyiinta Xidhani Xabsiga Uma Tegin Xumaan-faafin: Xalladda Wartebinta iyo Xiisaha Xogwarranka Xaaladda Ayaa Jiitay!”



Saxaafadda Somaliland waxa ay soo martay heerar kala duwan. Mar waxa jirtay inta war saaka la duubo berri ama xilli kale la soo deyn jiray. Tusaale ahaan annaga oo ahayn ardayda jaamacadaha dalka ayaannu munaasibad ahayd maalinta jaamacadaha Somaliland kaga qaybgalnay magaalada Berbera 2dii Mey 2007da.


Guddoomiyeyaaha iyo aqoonbarteyaashii Jaamacadda Culuumta Badda ee Berbera, Jaamacadda Camuud, Jaamacadda Camuud iyo Jaamacadda Hareysa ayaa madasha ku kulmay. Maalintaas waxa Hargeysa naga raacay Suxufi Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig) oo markaas ahaa weriye ka tirsanaa Horn Cable TV.


Waxa aad dareemaysaa koobnaantii warbaahinta, haddii HCTV uu suxufi u joogo Berbera, suxufi ilig war uma socdaaleen 160km. Maxamed ka sokow waxa xidhan suxufiyiin badan oo kaalingal ah sida Xasan Galaydh. Cabdijibbaar Maxamed Xuseen oo HCT ka tirsan waxa aan la hadlayay daqiiqaqdo ka hor intii aan la taxaabin. Si gaar ah waxa aan uga xumahay dhaawaca gaadhay Niciima Cabdi Axmed. Iyada oo SOLJA sheegtay inay 15 suxufi xidhan yihiin, waxtarka warbaahinta ayaa mar walba ka badan wax kasta.


Maantana waxa la helayaa muuqabaahiye ay wakiillo u joogaan tobannaan magaalo. Isbeddelka yimi ee kale waxa ka mid ah in laga gudbay raagitaankii wartebinta. Xafladaha, shirarka, bandhigyada buugta iwm waxa loo gudbiyaa hab toos ah, taasina waa ta keentay in ay xabsiga Hargeysa tagaan suxufiyiin badani si xaaladda wax looga ogaado. Mar kasta oo xogtu daray tahay, waa mar kasta oo ay xiise leedahay dhegaha dadkana hanato, isla markaana ay kordhiso in lagu xidhnaado suxufiga/saxaafadda la-socodsiinta leh.


Maaddaama oo Soomalilaan tahay dal xasilloon, xabsiga dhexe ee Hargeysana uu yahay meelaha loogu feejigan yahay ilaalintooda, adkaynta amnigooda iyo ogaalka waxa gelaya iyo waxa ka baxaya; wax kale ha jiraan’e kolna ma filaynnin inay noqonayso in hub galay xabsiga. Aniga oo ayaantaas ku jira raacdoreeb waxa aan xogta helay markii ay dhaceen 7da rasaasta ah ee ugu horreeyay, malaha in aan xabsiga ku jiro ayaa la moodayay oo xog ayaa la iga doonayay. Xaaladdu waa ay sii korodhay, illaa ay gaadhay heerkaas tooska loo gudbinayay.


Maaddaama oo aan 100% rumaysanahay in ay halkaas u tageen niyad-wanaag, xogtebin iyo war-siinta ummadda Somaliland, waxa aan xukuumadda ka codsanayaa inay xorriyadda u celiyaan suxufiyiinta ku xidhan Hargeysa. Ku cafiya niyadsamida, ku dhaafa muwaaddiniinta ay yihiin, haddii kale waxa lagu jiraa bil barakaysan oo cafisku ajar leedahay.


Siciid Maxamuud Gahayr

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...