Suuqa Waaheen Miyuu Gubtay, Misa Waa La Gubay? Qaybtii 2aad

0
Sunday April 17, 2022 - 11:12:50 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1205
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suuqa Waaheen Miyuu Gubtay, Misa Waa La Gubay? Qaybtii 2aad

    W/Q: Amb. Abdi Saleiman(Mingiste)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Amb. Abdi Saleiman(Mingiste)

                                                                     16 April.2022 

 

Waxaa muhiim ah in uu qof kasta oo reer Somaliland ahi ogaado laba arimood oo kala ah ;- 

1.  Suuqa Waaheen wuxuu ahaa halbowlaha dhaqaalaha Somaliland ee Dowlada hoose iyo Dowlada dhexeba Cadow kasta mid  dibada iyo kan gudaha labaduba wuxuu xooga saaraan in uu  burburiyaan kaabadaha dhaqaalaha ee wadanka. 



2.  Baadhis kasta oo lagu sameeyo suuqa Waaheen,waxay muhiim u tahay in laga taxadiro,in laga diyaar garoobo in aanay taas oo kale markale  inugu dhicin. 


 Haddaba markaan dhinacyo badan ka eego,waxaa ii soo baxay in ay jiraan shakiyo badan oo ku gadaaman,Dabkii gubay suuqa Waaheen,waxyaabaha shakiga igu dhaliyey waxaa ka mid ah:- 

 

1.   7dii maalmood ee ka horeeyyey maalintii uu gubtay suuqa Waaheen,waxaa jiray hadalo iyo qoraalo lagu fafiyey baraha bulshada ,kuwaas oo  loogu digayey Hayadaha amaanka Somaliland. 

 

2.  Xukuumada Somaliland waxay aad iyo aad ugu mashquulsan tahay,raadinaysaa sidii ay u abuuri lahayd,xalaalad ay mudo kordhin ku hesho. 

 

3.  Hayadaha amaanka Somaliland ilaa hadda wax war ah kama soo saarin,kamana hadal wixii keenay dabkii gubay suuqa Waaheen. 


4.  Dabka suuqa Waheen  wuxuu bilowday 8dii habeenim,masuulkii ugu horeeyey ee Xukuumada Somaliland wuxuu soo gaadhay maalintii dambe, ka dib markii uu  suuqu bas belay ee dabkiina la damiyey. Habeenkii waxaa soo gaadhay oo keliya Maayarka iyo Musharaxa Xisbiga Wadani,ma jiro masuul kale oo xataa ka hadlay ilaa suuqu Waaheen uu bas beelayey. 

 

5.  Xuumadu ilaa hadda ma waraysan dadkii goob jooga,xilligii uu bilowday Dabkii gubay suuqa Waaheen. 

 

6.  Dowladu waxay markiiba bilowday muran ku saabsan mucaawinooyinka  iyo dib u dhiska suuqa Waaheen.   

 

Intaa aan kor ku soo sheegay iyo in kale oo badan ayaa waxay igu abuureen shaki badan,oo ku saabsan dabkii gubay suuqa Waaheen.  

 

ALLAA.      MAHAD. LEH 

Amb. Abdi Saleiman(Mingiste)

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...